|

‘’Hargeysa Waa Magaalo Aad U Koreysa,’’ Sheekh Maxamed Idiris Oo Ammaanay Horumarka Hargeysa

Hargeysa,20Dec,2015(QJ/SDN)-Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa amaanay horumarka dhinacyada badan ee ka socda Magaalada Hargeysa.

Sheekh Maxamed oo socdaal kooban dhawaan ku yimid Caasimadda Hargeysa, ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook ayaa sidan u dhignaa;

Hargeysa Maxaan kusoo arkay?

Dhawr Maalmood ayaan Hargeisa Booqasho ku joogey shalay sabtidiina waan kasoo baxay. Muxaadarooyin, Seminaaro, iyo Kulamo badan ayaan la wadaagey. Aad ayaan ugu Mahad celinayaa Asxaabta Faraha badan ee Hargeisa aan ku leeyahay oo kulligood wada arkin, soo dhowaynta iyo jacaylka ay ii muujiyeen, aniguna sidaas si leeg ayaan idiin jeclahay. Waqtiga oo gaabnaa dartiis kama gaarin meel aan Hargeisa iyo Gabiley ahayn. Waan ka cudurdaaranayaa mar kale asxaabta Burco iyo Boorame iyo magaalooyinka kaleba.

Hargeisa inta aan nasiibka u yeelan iney arkaan, waa magaalooyinka aduunka ugu wanaagsan ee lagu noolaado, hawo iyo biyo macaan laguma gaaro. Dad soo dhoweyn fiican, laab furan, si gobanima lehna dadka ula dhaqma ayaad ka heleysaa. Wixii laabtooda ku jiraa carrabkuu u saaranyahay, waa dad hadalkoodu toos yahay oo aan laa laabad lahayn, murti iyo majaajilana isugu jira, markaad dhegeysatana inaad qososho aadan celin karin, xitaa dadka baahan ee Masaajidka ka istaaga waxaa dhici karta inaad maqasho isagoo leh: (Waar Dee Inoo Dhiiba..).

Hargeisa waa magaalo aad u koreysa, dhinac walba u fideysa, dhismayaal qurux badan ayaad dhinac walba kaaga muuqanaya, waxbarashada oo aad u hormareysa, jaamacado, macaahid iyo Iskuulo, ummad badan oo muslima ayaa isugu timi, waxaa aad u muuqda walaaleheen kasoo qaxay Syria iyo Yemen. Khayraadka dhulkeenna yaalla ganacsi, shaqo, fursado, aad ayey u fara badan yihiin..waxaa la iiga weriyey nin suuri ah oo guryaha dhisa: 10 sano waxaan Yemen ka shaqaynayey 1 Sano oo aan Hargeisa Joogo ayaa iiga wanaagsan!

Nicmada Nabad gelyo ee Ilaahay ku manaystay waa in la ilaaliyo, Allaahna loogu mahadiyo, waqtigaad doonto aad socon karto, dahabka iyo lacagtuna banaanka taallo oo aan loo baqayn Alxamdulilah..

Facebook: Sh’Mohamed Idris

Comments are closed