|

Ururka Al-shabaab Oo Hanjabaadii Ugu Kululayd Usoo Diray Dowladda Somaliland {DHAGEYSO}

Muqdisho,19Dec,2015(QJ/SDN)-Ururka dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ayaa hanjabaadii ugu kululayd usoo diray Somaliland, iyagoo dowladda Somaliland ku eedeeyay inay mamnuucday barashada Kittaabka Al-walaa Wal-baraa.

Shongole1Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ururka Alshabaab ayaa sheegay in magaalada Hargeysa looga dhawaaqay in dadka gaadhay da’da 20jirka ah aanay dhigan Karin kittaabka Alwalaa Walbaraa, isagoona Sheekh Fu’aad Shongolle sheegay in wax ka yar 8KM ay u jiraan Somaliland.

Dhanka kale, Dowladda Somaliland ayaan illaa hadda ka hadlin hadalka kasoo yeedhay ururka dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.

Halkan Guji Oo Mobilekaaga Ku Dhagayso Hanjabaadda Al-shabaab

Comments are closed