Shir-weynaha Qaran Ee Dhalinyarada Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ka Dhacay iyo Dhalinyarada Daljoogta Ah Oo Ka Qaylisay
Muqdisho,18Dec,2015(QJ/SDN)-Raysal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir la sheegay in uu yahay shir-weynaha qaranka dhallinyaradda Soomaaliyeed.
Waxaa ka qayb-galaya dhallinyarro ka timid gobollada dalka iyo kuwo matalaya dhallinyaradda Soomaalida ah ee ku nool dalalka dibadda,waxuuna ka furmay xarunta ciidammada cirka ee Afisiyooni.
Raysal wasaaraha waxuu u sheegay dhallinyaradda Soomaaliyeed in looga baahan-yahay kaalin muhiim ah inay ka qaatan sidii Soomaaliya meel fiican loo gaadhsiin lahaa, maadaama ay yihiin Jiilkii badali lahaa.
“Waxaa looga baahan-yahay dhallinyaradda ayaa ah inay agsoonadan dalka inuu u baahan-yahay oo ay door ka qaatan sidii meel fiican dalka loo gadhsiin lahaa,”ayuu yidhi Raysal wasaare Sharma’arke oo furitanka shirka khudbad ka jeediyay.
Dhinaca kale,qaar ka mid ah dhallinyaradda Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nool ayaa ku dhaliilay wasaaradda dhallinyaradda inay muhiimadda koowaad siisey oo tiradda ugu badan ay shirka ku leeyihiin dhallinyaradda qurba-joogta ah oo ay u arkaan inay kaga xaq leeyihiin.
Dhalinyarada gudaha dalka ku sugan ayaa waxa ay baraha bulshada ka sameeyeen olole ay ugu magac dareen #HaDhicinDhallinyarada kaas oo ay kaga soo horjeedaan dhalinyarada Qurbejoogta ah ee shirka intiisa badan gacanta loo galiyay.
Si kastaba ha ahaatee, Waxaa loo arkaa dhallinyaradda Soomaalida inay door muuqda ka qaadan kaaran soo celinta waayihii wanagsanaa ee dalka,maaddama dadka dagaallada loo adeegsado ay iyagu yihiin.