|

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo Sharci-jebin ku kacay & Tirada Goobaha diiwaangelinta oo la shaaciyey

Hargaysa 18.Dec 2015 (SDN/QJ):- Shirkadda ATEA oo Qandaraas ku heshay keenitaanka qalabka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay hawsha ay wadaan, isla markaana shaacisey tirade qalabka ay keeneen iyo tirada goobaha diiwaangelinta loo qeybin doono ay ka qabsoomayso.

SHIRKADDA-ATGA-EE-QANDARAASTAY-AGABKA-DIIWAANGELINTA-SOMALILAND-IYO-GUDDIGA-DOORASHADAMuuqaal shalay Shirkadda ATEA oo laga leeyahay dalka Denmark baahisay, ayaa lagu sheegay tirada qalabka loo adeegsanayo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ee ay keeneen Hargeysa, ay tahay 350 (saddex boqol iyo konton shay), oo ka kooban Kumbuyuuter, Qalabka Sawirka Indhaha iyo ka faraha (printer).

Qalabkaa ayey muuqaalkaas Shirkadda ATEA ku sheegay in loo qeybin doono 100,5 (Kun iyo Shan) goob diiwaangelin Cod-bixineed oo guud ahaan dalka Somaliland oo dhan loo qeybin doono. Sidoo kale marka qof walba Macluumaadkiisa laga qoro diiwaangelinta ayuu qaadan doonaa Warqad muujinaysa in la diiwaangeliyey.

Hase-yeeshe, isticmaalka qalab noocan oo kale diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha lagu galay oo hore dalal badan u soo adeegsadeen ayey jirtaa caqabado badan oo lagala kulmi karo, haddaan laga sii diyaar-garoobin, hadday tahay aqoonta dadka ku shaqeynaya, cilladaha ku iman kara qalabkan, in loo hayo beddelkiisa shay kasta iyo arrimo kale, ayaanay weli macluumaad dheeraad ah ka bixin Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Geesta kale, Guddiga doorashooyinka Qaranka oo macluumaad dheeraad ah aan ka bixin caqabado lala kulmi karo adeegsiga qalabkan diiwaangelinta BVR kit, haddaan laga sii diyaar-garoobin, ayaa dhinaca kale ka baaqsaday inay baahinta Qandaraaska wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha bulshada ugu baahiyaan Warbaahinta kala duwan ee gudaha iyo dibedda-ba; si ay dadku iyaga oo aqoon u leh qaabka ay u galayaan diiwaangelinta wakhtigeeda loo gaadho.

Guddiga dooarashooyinka Qaranka ayaa u muuqda kuwo garab-maray ku dhaqanka Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo qodobbadiisa qaarkood dhigayaan sidan hoos ku xusan:-

Qoddobka 12-aad: NOOCA WARQADDA AQOONSIGA IYO WARQADDA COD-BIXJNTA

Warqadda Aqoonsiga Muwaaddinka (National ID) ama Warqadda Cod-bixintu waa in ay ka samaysan yihiin shay aan si fudud u duugoobayn ama dharnrnaanayn oo aan waxlaga beddelikaraynin ama la-been-abuuri kareyn (laf).

Qoddobka 29-aad ee DHAQAN-GELINTA DIIWAAN-GELJNTA COD-BIXIYAYAASHA:

  1. Komishanku isagoo adeegsanaya dharnmaan qalabka Warbaahinta kala duwan ee ka jira dalka, waa in uu daabaco, isla markaana baahiyo xilliga loo cayimay Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha iyo dhammaan wixii xog ah ee ay Muwaaddiniintu u baahan yihiin in ay ogaadaan.

Hase-yeeshee, waxay Guddiga doorashooyinka Qaranku, bartooda Internet-ka ku baahiyeen Qandaraas ay sheegeen in loo soo qorto wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo furmay 14 December, xidhmina doona 18 December oo Jimcaha Maanta ku beegan, isla markaana waxay ka baaqsadeen inay ku baahiyaan Warbaahinta gudaha sida qodobbada Xeerka diiwaangelinta Cod-bixyeyaashu ee Baarlamaanku ansiyey dhigayaan ama ay Guddiga doorashada farayaan.

Dhinaca kale, Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu Masuuliyiinta Guddiga doorashooyinka Qaranka wax ka weydiiyo arrimahan, ayaanay u suurtoobin, ka dib markii Gudoomiyaha Komiishanka iyo Afhayeenku-ba qaban waayeen Teleefannadooda gacanta oo marar badan aannu ka wacnay xalay illaa shalay, kana jawaabi waayeen farriimo isla Taleefannadooda gacanta aannu ugu dirnay.

Comments are closed