|

Marwo Faadumo Siciid iyo Wefti ay Hoggaaminayo oo Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Magaalada Berbera DAAWO

Berbera 18.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wefti miisaan culus ay hoggaaminayso La’taliyaha arrimaha dibadda ee guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid, ayaa si ballaadhan looggu soo dhaweeyey , si’ diiranna looggu qaabilay dulleedka magaalada Berbera.
65cab9dd-8d23-4a99-9c20-0620ddd5a0c3Weftigan ballaadhan oo ay marwo Faadumo Siciid ku wehelinaayeen guddoomiye xigeenka 4aad ee xisbiga WADDANI, xoghayaha arrimaha gudaha, afhayeenka garabka dhallinyarada iyo xoghayaha guud ee garabka dhallinyarada heer qaranka e xisbiga WADDANI ugu damebynti loo gelbiyey xarunta dhaxe ee xisbiga WADDANI uu ku leeyahay magaalada Berbera, waxaana soo dhaweyntii ballaadhnayd ee weftigan ka qeyb-qaatay guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobalka Maroodi-jeex, xubno ka tirsan mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga WADDANI, dhallinyar, haween iyo taageerayaal aad u tira badan.
Ugu horeynna waxa munaasibaddaasi ka hadlay afhayeenka gobalka Saaxil ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Cali, waxaana uu sheegay in ay ka gobal ahaan ay si diiran u soo dhaweynayaan weftiga ay hoggaaminayso Marwo Faadumo Siciid.

Comments are closed