|

“Uma heysano mucaarad inuu yahay,Dimoqraadiyada ay ku soo arkeen France iyo Brussles ee sida is yaaca, fowdo ayay rabaan” Madaxweyne Geelle oo Weeraray Mucaaridka Jabuuti

Jabuuti,17Dec,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa inay dalka u horseedayaan fowdo, isagoo difaacay go’aanka uu mar afaraad isku sharaxayo hoggaanka dalkiisa.

Geelle oo maanta BBC-da la hadlay ayaa sheegay in mucaaradka dalkiisa inay doonayaan inay ku dhaqmaan sida mucaaradka kale ee dunida, taasoo ah inay kiciyaan qalalaase dalka dhibaato geliya.

“Markaan eegno… halkii aan ka nimid iyo meesha aan maanta joogno, kuwa isku sheegaya mucaaradka waxay leeyihiin dalka dowlad kama jirto. Innagu waxaan arki jirnay mucaarad eedeynaya ama dhaliilaya dowladda, balse mucaarad uma haysano inuu yahay kan dhahaya dowlad ma jirto, waxaana naga go’an inaan iska qabanno kuwaas. Waxay weli baranayaan mucaaradnimadu waxay tahay, waana kuwo doonaya dimuqraadiyaddii ay Faransiiska iyo Belgium kusoo arkeen ee ku dhisan is-dhex-yaaca iyo fowdada ayay doonayaan,” ayuu yidhi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale, wuxuu xusay inaanay jirin cid siyaasad loo xidhay ama loo dilay, mana jirto qof ra’yigiisa ka hadlay oo inta gurigiisa loogu tagay la xiray, wuxuuna intaas ku daray in 16-kii sano ee lasoo dhaafay ay Jabuuti gaaray horumar weyn, balse ay ka jiraan dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah.

“Madaxda dalka iyo shacabkaba waxay ka mideysan yihiin in caasimaddeenna nabad iyo Xasillooni ka jirto. Dadka shisheeyaha ah ama sokeeyaha ahna laguma dhaco. Cid kasta oo fowdo iyo dhibaato waddana waa ka hortageynaa,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Geelle oo la weydiiyay waxyaabaha horumarka ah ee uu ku tallaabsatay waddankiisa 6-kii sano ee lasoo dhaafay ayuu sheegay inay horumar ballaaran ku tallaabsadeen, Jabuutina ay tahay waddan la qiimeeyo, ayna dalalka Afrika, Carabta iyo kuwa Islaamkaba ay kaga jiro meel sare.

Ugu dambeyntii, hadalka madaxweynaha waddanka Jabuuti ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay xisbiyada mucaaradka ah ee dalkaas kasoo horjeesteen inuu Geelle uu markii Afaraad u tartamo xilka madaxnimo ee Jabuuti, kaddib saddex xilli oo uu Jabuuti soo xukumayay.

Comments are closed