|

WADDADA GUUSHU WAA GUUL DARADA = W/Q: Maxamed Cabdurraxmaan (Shaacir)

ShaacirGuusha iyo guuldaraduba waa laba is daba jooga, guuldaradu maha mid joogta ah oo qofka ibnu-adamka ah la dhalatay. Guuldaradu maha qof waxa uu yahay lakiin waa dhacdo ku dhacda qofka taaso kaga timaada nolosha ama hawsha u markaa gacanta ku hayo.

Xaqiiqaduna waxay tahay qofkasta oo hadaf leh una dadalaya inuu meel gaadho guul daradu waa mid la kulanta inta badan.

Hadaba qofku hadii uu arin khusaysa noloshiisa ku guul daraysto wakhti macanaheedu maha inu uu nolosha oo dhan guul daraystay, ama yahay qof nolosha ku dhacay sida caadiga ahna waxa la yidhaahda kuwa guulaysta waa kuwa aan waligood quusan.

Guul darada nolosha waxa keena qalad ka yimaada qofka, Taas oo ay dhaliso waayo aragnimo la’aan ama aqoon la’aan qofkaas haysta taasoo khusaysa arinta uu rabo inuu ka gun gaadho. tusaale hadii aan u soo qaadano waxa ugu yar, adigoo safar ugu baxaya magaalo kale, haddii aad guriga ku dib dhacdo taaso dhalin kartaba in uu ka tago, gaadhigii aad raaci lahayd.

taas macnaheedu wuxuu yahay inaad la kulantay guul daro malintaas lakiin malinta xigta marka aad baxayo, lagama yaabo inaad guuldaradii shalay kugu dhacday aad mar labaad maantana la kulanto, sababtoo ah, shalay waad ogayd inaad habsaantay markaa mar danbe hasaami maysid ee maanta waad soo qadimaysaa.

Hadaba taas waxaan odhan karnaa guul daradu waxa weeyaan wado loo maro guusha, sababtoo ah, qofku markuu guul daraysto marka hore, mar labaadka waxa uu si taxadir leh ugu dadalayaa hawshisii, isagoo iska ilaalinaya qaladkii uu shalay galay.

Qofkasta oo la kulma guul daro hadii uu leeyahay target ama hadaf  uu u socdo nolosha, waxa uu gaadhi karaa marka uu u adkaytso guul daro kasta oo noloshiisa soo marta, waa ta somalidu tidhaahdo, ninka raga ahi wuu kufaa, halkuuse ku kufay ma fadhiyee wuu ka kaca.

Wakhtiga uu qofku guul daro ka hortimaado waxa loo bahanyahay in aanu quusan haduu quusto wuxuu noqoday waxa englishka lagu yidhaa looser, ama qof waxkasta lumiyay, lakiin marka aad aragto guul daro waxa loo bahanyahay inaan dadaal dheerad ah aad muujiso si aad uga gudubto caqabadahii guuldaradaada dhaliyay, adkaysina aad u lahaato dhib kasta oo kaa hor timada, niyad jabkana aad iska ilaaliso. Nin maraykan ah ayaa isagoo noloshiisa ka sheekaynaya wuxuu yidhi waxa aan haystay shaqo fiican, malin malmaha ka mid ah aya si deg deg ah shaqada la iiga eryay, isagoo sharaxaya xalada uu malintaas ku sugnaa waxa uu yidhi waxay u eekayd in aduunkii dhamaday, noloshana wado dambe ii furnayn, anigoo aad u niyad jabsan meel aan ka bilabana garanahayn  nolosha ayaan guriga tagay ayuu yidhi, gabadhaydiina u sheegay waxa igu dhacay. ugu danbayntii wuxuu yidhi laba guri oo yar yar oo uu lahaa ayuu dayn bank kaga soo qaatay, isla markaasna wuxuu bilabay gancasi ah dhismayasha isagoo kiciyay guryo kale, isagoo hadalkiisii sii wata ayaa wuxuu yidhi maanta waxaan ahay maal qabeen (multi millionaire). waliba hadaan arki lahaa boss kii shaqada iga eryay maanta waan u mahad celin lahaa sababtoo ah haduuna maalintaas shaqada iga eryi lahayn maan gaadheen halkaan maanta gaadhay.

Run ahaanti (ina macal cusri yusra), culayska fudaydba xiga, markasta oo qofku caqabadi ka hor timado in uu ilahay tala saarto oo ilahay baryo waa shay muhiim ah, ilahaybaa qofkuu rabana ciseeya kuu doonana imtixaama, guuldarada kugu timadana ilahaybaa garan kara in uu wado kale oo ka wanaagsan kuu wado. lakiin waxa ujeedadu ay tahay waliga in aanad quusan. Ilaahay subxaana wa tacaala quraankiisa kariimka ah wuxuu ku yidhi ” Naxariista ilaahay marna ha ka quusanina”. nolosha guul darada ugu xumi maha inaad hawl ama arin ku guul daraysto, lakiin waa adiga oon iskuba dayin waxbaba taas ayaa guul daro ah.

Qalinkii: Maxamed Cabdurraxmaan (Shaacir)

Hargeysa, Soomaalilaan

Comments are closed