Abaarta Deegaanada Koonfurta Gobolka Maroodi-jeex Oo Saameyn Ku Yeelatay Habsami U Socodka Goobaha Waxbarashada
Hargeysa,17Dec,2015(QJ/SDN)Iyadoo deegaanada galbeedka iyo koonfurka gobolka maroodi-jeex ay saameyn ku yeelatay abaar baahsan oo ku dhufatay deegaanadaasi, ayaa haddana waxa ay abaartu saameynta ugu weyn ku yeellatay goobaha waxbarashada iyo habsami u socodka dhigashada waxbarashada ee ardayda wax ka baranaysay goobahaasi ay abaaruhu haleeleen.
Deegaanada sida aadka ah ay abaartu saamaynta ugu yeelatay dhanka waxbarashda waxa ka mid ah deegaanka Dhimbil-riyaale oo ka tirsan degamada Sallaxley.
Dhimbil-riyaale oo ah deegaan ballaadhan ayaa waxa ay abaartu kalliftay in aradaydii wax ka baranaysay goobaha waxbarashadu ay ka hayaamaan magaalada iyagoo raacaya qoysaskooda oo ka cararaya abaarta deegaanadaasi ku dhafay, taas oo sababtay in waxbarashadii ay caruurta ka kala go’do.
Iskullka iyo madarisadda dhimbil riyaale oo aanu dhawaan booqasho ku tagnay ayaa waxaanu kula kulanno arday tiradoodu gaadhayso 17 arday iyadoo wakhtigii hore ay ardaygu gaadhayeen illaa 50 arday in ka badan sida uu noo sheegay macallin Diiriye Xassan oo ka mid ah macallimiinta deegaanka.
Macallin Diiriye waxa kale oo uu noo sheegay in hadda dadku ay dib usoo noqonayaan maadaama abaartii sidii hore kasoo raynayso, balse buu yidhi ay weli dadku ku maqanyihiin hawdka fog.
Deegaanada kale ee abaartu ay saaameynta ku yeelatay goobaha waxbarashada waxa ka mid ah deegaanka Warta-Aadan Abokor, iyadoo deegaankan aanan habayaaraatee ku arkin goob waxbarasho oo shaqeenaysa, waxaana xusid mudan in guud ahaan magaalada warta aadan abokor ay ahayd mid haariban ah ama se aanay joogin dad maadaama dadku ay ka hayaameen abaarta halkaasi ka jirta.
Dhanka kale, guud ahaan deegaanada koonfureed ee gobolka maroodi-jeex ayay abaartu saameyn dhan walba ah ku yeellato iyadoo aad arki karto in tirade bulshadii magaalooyinka ku nooleed ay aad u yaraatay.
Deegaanka Warta-Aadan Abokor Oo Dadkii iyo Xoolihii Ku Noolaa Ka Hayaameen, Saameynta Abaarta Awgeed.