|

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbadiisii Shirka Wada-tashiga Soomaaliya Af-Ingiriisi Kusoo Jeediyay iyo Axmed Madoobe Oo Ka Digay Adeegsiga Afka Qalaad DAAWO

Muqdisho,17Dec,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Md.Xassan Sheekh Maxamuud ayaa khubadiisii shirka wada-tashiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Muqdisho kusoo jeediyay luuqadda ingiriisida iyadoona arrintaasi durbadiiba uu ka digay madaxweynaha Maamulka Jabbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa ka dib markii madaxweyne Xasan Sheekh khudbadii dhameeyay si toos ah u duray khudbadda uu madaxweynuhu ku akhriyay af ingiriisida isagoona sheegay in uu aad uga xunyahay in shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ay madaxdii Soomaalidu dhammaantood af ingiriisi ku wada hadleen.

Axmed Madoobe ayaa dadkii goobta shirka ku sugnaa u sheegay  in marka uu sidaas leeyahay aan loo qaadan in aanu aqoon luuqadda English-ta balse uu sheegay in haddii uu soo qorto uu akhrin karo, isagoona nasiib darro ku tilmaamay in xafiisyada dowladda Soomaaliya luuqado ajaanib ah loo adeegsado waraaqaha ay dirayaan gudo iyo dibedba.

Madaxweynaha jubbaland isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi ‘’Shir baan fadhinnaa halkan waxa lagaga hadlayaana waa arrimaha soomaaliya, masuuliyiintii soomaalida oo dhanna way ka hadlayaan waxaan aad uga xumahay in kulligeen af English lagu wada hadlo oo soomaaligii laga tago, arrintaas yaan loo qaadanin Axmed English-ka ma yaqaanno waan hubaa haddaan hadda soo qorto waan akhriyi karaa, laakiin waxa yaalllaa wuxuu yahay waxaad arkaysaa maanta xafiisyadii dowladda iyo shaqadii socotay iyo hadalkii gudaha iyo dibeddaba in English la isticmaalayo,..’’

Dhanka Kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu horay u jeediyay ku sheegay in aanu dalna caalamka horumarin illaa uu luuqaddiisa horumariyo, isagoona tusaale wakhtigaasi madaxweynuhu usoo qaatay dalal caalamka horumaray ka mid ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Af-ingiriisi ku Khudbeenaya iyo Axmed Madoobe oo Ka Digay Adeegsiga Luuqadaha Ajaanibka Ah;

Comments are closed