Odayga Somaliland Xaaji Cabdi Waraabe Oo Xaaladd Caafimaad U Jiifa iyo Guddoomiye Cirro Oo Booqday
Hargeysa,16Dec,2015(QJ/SDN)-Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo maalmihii ugu danbeeyay xaalad caafimaad u jiifay ayaa waxa galabnimadii manta aqalkiisa ku booqday Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga waddani Md. Cabdiraxman Cabdillaahi Cirro.
Xaajiga oo maalmihii ugu danbeeyay xaaladda caafimaad aanay wanaagsanayn ayaa waxa uu guddoomiyuhu ilaahay uga baryayay in uu caafimaad siiyo isla markaana ka dul qaado xanuunka.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyay ee xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdiwaraabe ka war doona isla markaana gurigiisa ku booqda.
Xaaji Cabdikariim Xuseen (CabdiWaraabe), ayaa waxa uu ka tirsanyahay Golaha guurtida Somaliland isagoona ka mid ah odayaasha ugu da’da weyn golahaasi haddaanu ahaynba kan ugu da’da weyn, Xaajiga ayaa waxay Da’diisu dhantahay 117 Sanno.
Ugu danbeyntii, Xaaji Cabdikariim ayaa ku caanbaxay nabadaynta iyo maslaxadda ummadda, isagoona muddo dheer kasoo shaqeeyay nabadda Somaliland.