Wefti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Xalay Gaadhay Magaalada Ceerigaabo iyo Dareenadii ay ku soo Arkeen Magaalada Laascaanood DAAWO
Ceerigaabo 17.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo ay Xubno ka Yihiin Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,Taliyaha Ciidanka Asluubta Iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maanta Kormeer Shaqo ku tegay Magaalada Laascaanood.
Weftiga Gudoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo ay ka Mid ahaayeen Wasiirka Wasiirka Cadaalada Md Axmed Cadare, Xeel Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Xasan Iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ayaa waxaa duleedka Magaaladaasi ku soo dhoweeyey Madaxda heer gobol, heer degmo iyo qaar ka mid ah waxgaradka deegaankaasi .
Ujeedada socdaalka weftiga ayaa ku wajahan xog ogaal u noqoshada xaalada maxaabiista iyo xabsiyada dalka oo ay wehelinayaan xaalada cadaaladeed ee wadanka, iyagoo intii ay joogeen Magaalda laascaanood kulan kula yeeshay Gudoomiyayaasha Maxkamadaha kala duwan ee gobolkaasi iyo saraakiisha saldhigyada Booliska, halka sidoo kalena oo kormeereen dhismayaasha iyo xarumaha xabsiyada iyo saldhigyada ee magaaladasi ku yaalla iyo madaxda hay’adaas ee heer gobol-na ka dhegaystay warbixino ku saabsan xaalada maxaabiista iyo hawlaha hay’adaha garsoorka ee halkaasi ka hawlgala.
Weftiga uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa Markaas kadib Waxay u sii Gudbeen dhinaca Gobolka Sanaag Waxayna Goor danbe Gaadheen Magaalada Ceerigaabo oo ay ku hoydeen.