|

“Odayaasha gobolka Nugaal Marnaba Ma Ogolaanayaan in Wax loogu qaybiyo Hannaanka 4.5” {DHAGAYSO}

Garowe 17.Dec 2015 (SDN/QJ):- Qaarkamid ah Odayaasha gobolka Nugaal ayaa  si cad u sheegay inay kasoo horjeedaan in wax lagu doorto Nidaamka 4.5,iyagoo sheegay inay shacabka Puntland isku raaceen in doorashada Soomaaliya lagu saleeyo habka deegaanka.

Nabadoonada ayaa sheegay in 4.5 xiligaan laga gudbay islamarkaana aysan ahayn in dib loogu laabto,iyagoo xusay in dadka doortay habkaas ay dan u hayn umada Soomaaliyeed.

Waxay sheegeen in danta dadka Soomaaliyeed ku jirto in Baarlamaanka lagu soo xulo Hab deegaan oo ay soo doortaan dadka uu matalayo.

Nabadoonada ayaa tilmaamay in Puntland uu go’aankeedu cadyahay islamarkaana uu yahay in wax lagu doorto hab deegaan waxay carabaabeen in Puntland aysan raali ka noqonayn wax aysan shacabka Soomaaliyeed dani ugu jirin.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/OdayaashaNugaal17.mp3″]

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO BAYAANKA ODAYAASHA NUGAAL EE HIGSIGA 2016 EE SOMALIA

 

Comments are closed