Gudoomiye Cirro oo Madaxda Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Iyo Hogaankooda Dhaqanku ku Maamuuseen Casuumad Sharaf
Jigjiga 16.Dec 2015 (SDN/QJ):- Ganacsatada,Saladiinta, Garadada iyo Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia ayaa Qado Sharafeed Maamus ah Hotel Universal Ee Magaladda Jigjiga Ugu Sameyay Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro).
Kulankani Qado Sharafeedka ah Ee Lagu Maamusay Gudomiye Cirro ayaa ahayd Madal Kulmisay Bulshada Qaybaheeda Kale Duwan Waxaana ka Mid ahaa Masuliyintii ka Tirsanayd Dowlad Degaanka Somalida Ee ka soo Qayb-Galay Qado Sharafeedkasi Wasiirka Maaliyadda Ahmed Maxamed Cabdi,Wasiirka Arrimaha Bulshadda Axmed Maxamed Koore.Wasiirka Ganacsiga iyo Gadiidka Khadar Cabdi ismaacil.Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool iyo Suldaan Maxamed Xirsi Qani.
Ugu Horraynba Waxa Qado Sharafedkasi ka Hadlay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Waxaanu ka Warbixiyay Ujeedada Kulankani Qado Sharafeedka ah.
Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan “ Runti Maanta Waxaanu Halkan Qado Sharafeed Ugu Samaynay Gudomiye Cirro Oo ah Masuul u Qalma in loo sameeyo Kulanadani Oo Kale Waayo Waxaynu Ognahay Mudadii Uu Hogaminayay Barlamanka Somaliland Qaabkii Hogaminta Fiicnayd Ee Uu u Hogaminayay,Waxaanu Leenahay Hadii Aanu Nahay Garadada iyo Saladiinta Gudomiye Taagero Baladhan ayaanu Kula Barbar Taagan Nahay,Gudomiye Waxaanu Rajaynaynaa in Xukumadada Xisbiga Wadani ay isku xidhi Doonto Shacabka Reer Somaliland iyo Shacabka Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia” ayuu Yidhi Garaad Kulmiye Garaad Maxamed
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani Oo isaguna Dhankiisa Halkaasi ka Hadlay ayaa soo Dhaweyay Kulankani Qado Sharafeedka ah Ee Loo Sameyay Gudomiye Cirro.
Waxaanu Suldaanku Shegay in Loo Baahan Yahay Sidii laysigu Fududayn Lahaa isu Socodka Shacabka Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia iyo Shacabka Reer Somaliland
Mujaahid Axmed Cumer X- C/Laahi (Xamarji) Oo ka Hadlay Kulankani Qado Sharafedka ah ayaa waxa ka mid ahaa Hadalidisii Sida Tan
“Runtii Aad Baanu Ugu Faraxsanahay in Kulankani Qado Sharafedka ah Na Lagu Maamuso Waxaanu ka Markhaati Kacaynaa in Maalmihii Aanu ku Sugnayn Magalada Jigjiga Aanu indhahayaga ku Aragnay Waxqabad La Taaban-Karo Oo ay ku Talabsatay Dowlad Degaanku,Waxaanu Balanqadaynaa Marka Uu Gudomiye Cirro ku Gulaysto Talada Wadanka in Aanu Waxqabadka iy Horumarkaba Kaga Dayano Xukumada Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia” Ayuu Yidhi Mujaahid Xamarji
Dhankiisana Waxa Kulankaasi Qado Sharafeedka ah Ee Loo Sameyay Gudomiye Cirro ka Hadlay Wasiirka Arrimaha Bulshadda Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia Axmed Maxamed Koore Waxaanu amaan Baladhan usoo jeediyay Gudomiye Cirro Oo Uu Shegay inuu Yahay Hogaamiye ku Dayasho Mudan
Gaba-gabadii Waxa Kulankaasi ka Hadlay Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) Waxaanu mahad naq baladhan usoo Jeediyay Cid Kasta Oo ka Qayb-Qaadatay Kulankani Qado Sharafeedka ah
Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan “ Runtii Aad Baan Ugu Faraxsanahay in Ganacsatadda,Garadada,Saladiinta iyo Waxgaradka Reer Jigjiga ay kulan Qado Sharafeed ah ay igu Maamuseen,Runtii Waa Mid Aanan iloowi Doonin.Waxaan Mar Labaad ka Mahad Celinayaa Qaabkii Fiicnayd Ee ay isoo Dhaweyeen Madaxda Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia Gaar ahaana Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumer.Gudomiyaha Barlamanka iyo Xubnaha Golaha Wasiiradaba ahba.Aad Baan Ugu Faraxsanahay in Aan Joogo Magalada Jigjiga Waanan ka Markhaati Kacayaa Horumarka ay Gaadhay Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia,Waxaan Balanqadaynaa in intii Karaankayaga ah in Aanu isku Howlno Sidii Loo Fududayn Lahaa isku Socodka Labada Shacab Ee Reer Somaliland iyo Shacabka Dowlad Degaankaba” Ayuu Yidhi Gudomiye Cirro
Ugu Danbayntii Kulankani Qado Sharafeedka ah Ee Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro Loogu Sameyay Magaladda Jigjiga ayaa ahaa Kulankii Ugu Danbeeyay Ee Gudomiyuhu la Qaato Bulshadda Qaybaheeda Kale Duwan.