|

Ciidamada Qaranka Somaliland oo Gaadhay Deegano Cusub oo ka tirsan Gobolka Sool

Laascaanood 16.Dec 2015 (SDN/QJ):-Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa Fadhiisimo cusub ka sameystay deegano aanay hore u joogin oo ka Tirsan Gobolka Sool,

Degaanadan ay ciidamada Qaranku  gaadheen ayay maalmihii ugu dambeeyey wararku sheegayeen inay isku urursanayeen maleeshiyooyin  kala duwan, kuwaas oo kala firxaday markii ciidamada Qaranku halkaasi gaadheen shalay.

Ciidamada Qaranka Somaliland  ayaa dadweynaha degaanka kala Kulmay soo dhoweyn balaadhan, iyaga oo kulamo la qaatay dadweynaha degaamadaasi ku sugan, waxaanay shacabka dhulkaasi ku dhaqan kala hadleen  xoojinta nabadgelyada degaanadaasi.

Comments are closed