‘’U Malayn Maayo Cabdiraxmaan Aw Cali Wakhtigan Inuu Yahay Nin Tartan U Taagan,’’ Cabdirashiid Xassan Mataan
Hargeysa,16Dec,2015(QJ/SDN)-Cabdirashiid Xasan Mataan oo dhawaan iska casilay murashaxii madaxweyne-xigeen ee xisbiga UCID, ayaa sheegay inaanay dambi ahayn haddii uu yidhaahdo hala taageero xisbiga mucaaradka ah ee Waddani haddii sida uu sheegay isbedel laga waayay xisbiga UCID.
Mr. Mataan oo isagoo jooga magaalada Berbera shalay saxaafadda la hadlay wuxuu meesha ka saarya in mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali noqon doono mursahax madaxweyne xigeen. Ugu horayn Mr. Mataan oo la weydiiyay wax aka jira wararka sheegaya inuu ku biiri doono xisbiga kale ee mucaaradka ah, wuxuu yidhi “Ma waxaad ii qarinaysaan xisbigii mucaaradka ahaa ee kale ayaad ku siqaysaa. Xisbiga mucaaradka ah wax badan ayaanu wada lahayn isbahaysi mucaarada ayaanu wada ahayn oo isbedel ayaanu wada raadinaynay, markaas kaasi waa ka gaar isagu, haddii isbedel UCID laga waayo dambi ma noqonayso haddii la yidhaahdo xisbiga kale ee mucaaradka ah hala taageero ama halagu biiraba.”
Mar la weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya inuu isu casilay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali inuu u baneeyo fursada, wuxuu yidhi “U malayn maayo Cabdiraxmaan Aw Cali wakhtigan inuu yahay nin tartan u taagan, waa odayaashii halganka ee Somaliland taagay oo ahaa madaxweyne-xigeenkii labaad, waana nin aanu tol iyo xidid nahay, wanaa nin aan ixtiraam u hayo, isagu nin tartan ku jira maaha, mikirifoona ma horistaagin oo lagama maqal, arrinkaasi waa arrin magaalada ka jira laakiin aanay waxba ka jirin, taas aad I weydiisayna waxba kama jiraan.”