|

Xiisado Ka Dhan Ah Cadaalad Darada Dhinaca Magacaabista Madaxda Sare Ah Ee Ku Habsatay Gobolka Selel & Cawaaqibka Xun Ee Ka Dhalin Kara

Saylac 16.Dec 2015 (SDN/QJ):- Gobolka Selel ayaa waxa uu ka mid yahay goboladii dambe ee lamagaabay, waxana ay magacaabistiisu soo martay marxalado badan oo maalinba meel soo taagnayd, taasi oo ay dadka degaanka gobolka Selel ku bixiyeen dadaal badan, iyaga oo hamigoodu ahaa in ay shaqo abuur ka heli doonaan haykalka dawladeed ee uu yeelanayo gobolku, sidoo kalena ay saamiyo badan oo dhinaca maamulka sare ee dalka ah oo ay ka madhan yihiin ay qayb u helidoonaan.

saylac
Himilooyinkaas dhinaca saamiga maamulka gobolka ah ee ay qabeen dadka reer Selel ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii wiiqmaya, kadib markii ay xukuumada Kulmiye noqtay mid cadaaladeedu ay tahay aniga ayay igu wanaagsan tahay isla markaana ay dadkii degaanka ah ee reer Selel ka dhigtay kuwo ay uga dhaaratay in loo magacaabo mansabyada muhiimka ah ee dhinacyada hogaanka ee gobolka ay cashuur bixiyaha ugu wayn ka yihiin.

Dareenka dadka reer Selel ee ku aadan arintan ayaa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraya, iyada oo ay suuragal tahay in uu maalin maalmaha ka mid ah qarxo, kadib marka ay cadaalad darada ka jirta halkaasi noqoto mid is biirsatay, waxana xiisadan cirka ku sii shareeray maantana ka dhigay mid soo shaacbaxda wax ka badalkii ugu dambeeyay ee dhinaca saraakiisha maamulka dawlada dhexe ee gobolka Selel ahaa oo si wayn looga biyo diiday.

Mid ka mid ah cuqaasha degaankaas oo dareenkiisa cabiray ayaa yidhi “ wixii ka dambeeyay doorashooyinkii degaanada ee lagu tartamay ee beelaha gobolka Selel dega xurguftu ku dhex martay, waxa aad moodaa in ay arintoodu noqotay gartii Daayeerkii u gar naqay labada bisadood ee waslada isku haystay, ee markii uu miisaanka labada kafadood ahaa, laba qaybood ku kala diray ee uu dhica batay ka catuugay ee inta uu canka dhigtay intii afkiisa ka soo hadhay hadana kafadii saray, kadib markii uu dhinacii kale batayna uu hadana qantuugo ku goostay, ilaa uu labadii dhinacba sidaas ku dhameeyay, gobolkii Selelna waxa aad moodaa in lagu soo duulay oo cadaaladii iyo tabashooyinkii dhinaca hogaanka ahaa ee laga filayay in ay xukuumadu cadaalad ka samayso uu noqday gartaasi daayeerku qaaday”ayuu yidhi caaqil Cige Xuseen.

Marka hoos loo dhaadhaco ee la milicsado xilalka muhiimka ah ee gobolka Selel ayaa waxa y yihiin kuwo ay xukuumadu u magacawday shaqsiyaad aanan degaankaasi u dhalan, iyada oo tan ka soo horjeedkeeda aanan gobolada kale ee dalka la gaynin raggii reer Selel ahaa ee boosaskan xaqa u lahaa, waxana muuqata in beesha dhexe ee uu ka soo jeedo Madaxwayne Siilaanyo uu raaligalin uga dhigay xilalkii badi gobolka salal, waxana tani u daliil ah in Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Selel, Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Selel, Taliyaha Ciidamada Turubataariyada Gobolka Selel, Taliyaha Ciidamada Qaranka Ee Degmada Saylac, Taliyaha Ciidamada Badda ee Gobolka Selel, Taliyaha Saldhiga Booliska Ee Saylac, Madaxa Kastamka Canshuuraha Ee Saylac, Madaxa Kastamka Canshuuraha Ee Caashacado, Maamulha Kastamka Lowyacado, ay dhamaantood yihiin masuuliyiin ku abtirsada beesha dhexe, kuwaas oo xilal muhiim ah oo halbowle ah ka haya gobolka Selel, waqti ay dadkii degaanku xilalkaasi dibada ka joogaan.

Si kastaba ha ahaatee xiisadan ayaa waxa sii huriyay kadib markii taliyaha ciidanka bada Somaliland oo xilkii ka qaaday masuulkii kali ahaa ee ka soo jeeday gobolka Selel ee xilka taliska ciidanka bada ee gobolkaasi halkaasi ka hayay, waxana ay arintani noqonaysaa mid muujinaysa, sida baaqyadii tabashooyinka ahaa ee dadka reer Selel /Awdal ay u geeyeen Madaxwaynahu ay u noqdeen kuwo ma dhalays ah, iyada oo ay dib uun u siqiireen xilalkii fara ku tiriska ahaa ee ay Awalba hayeen dadka degaanku.

Xaalka sidan ah ayaa waxa uu yahay mid saamayntiisa leh, iyada oo ay dhalinyarada oo cabudhaad ka qaaday dhaqanka xukuumada, iyo shaqalaáanta ba’an ee ka jirta degaankaasi ay u hayad mid ku mudan, maantana cadaalad darada degaanka ku habsatay, iyo sida ay xukuumadu ka yeeshay gobolka Selel, waxa ay arinta ka dhigayaa mid ay dad badani ka fiirsanayaan waxa mustaqbalka kan xiga dhici doona.

 

Comments are closed