Ujeedadda Socdaal Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre iyo Wefti uu Hogaaminayaa ku Tageen Magaaladda Berbera Iyo Duruufaha Wehelka la Ah Garsoorka Gobolka Saaxil DAAWO
Berbera 15.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo ay Xubno ka Yihiin Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,Taliyaha Ciidanka Asluubta Iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maanta Kormeer Shaqo ku tegay Magaalada Berbera.
Madaxda Garsoorka Gobolka Saaxil ayaa Weftiga u soo bandhigay Duruufaha ay ku Shaqeeyaan iyo Sida ay Yihiin Xarumaha Garsoorka Gobolkaasi.