Ururka Cadaalada iyo Sinaanta ee SIME oo baaq ka soo saarey shirka wada tashiga ee ka socda magalada Muqdishu
Ururka Cadaalada iyo Sinaanta ee SIME oo baaq soo saarey ku wajahan shirka wada tashiga ee ka socda magalada muqdishu waxaanu u dhignaa baaqa uu ururku soo saarey sida tan 1)Ururka SIME marka hore waxuu aad usoo dhawaynayaa shirka ka socda magaalada muqdishu iyo shirkasta oo lagaga hadlayo xalinta khilaafaadka wakhtigoodu dheeradey 2)Ururka Cadaalada iyo Sinaanta ee SIME dhamaan waxuu ugu baaqayaa madaxda iyo masuuliyiinta shirka ka qayb galaya inaaney marnaba soosaarin goaan sii jirsiinaya nidaamkii afar iyo badh ee 4.5 nidaamkaasoo ahaa midkasoo horjeeda shareecada islaamka iyo dhaqanka soomaalidaba 3)ururka Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed ee SIME waxuu dhamaan umada Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney ay Si isku mid ah u diidaan nidaamka afar iyo badh ee 4.5 iyo waxkastoo keeni kara in qof soomaliyii xaquuqdiisa aasaasiga ah waayo 4)Ururka SIME waxuu umada Soomaaliyeed ka codsanayaa iney kala shaqeeyaan sidii guud ahaan gayiga soomalida looga tirtiri lahaa dhaqanka hayb-sooca kaasoo ah mid carqalad noloshooda oodhan ku noqdey bulsho ka mid ah bulshada soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Ururka Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed ee SIME
suldaan Abdikariim Farah Ibrahim