|

Madaxweyne C-Kariim Guuleed Iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Gaadhay Magaaladda Baladweyne ee Xarunta G.Hiiraan

Beledweyne 15.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Odawaa oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Beled Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

BeledWeyne-frontUjeedka Safarka ee Masuuliyintaan ayaa ah in ay xaliyaan kala qaadana Ciidamada kala taabacsan Maleeshiyaadka ku dagaalaya Magaalada Beledweyne iyo sidii xal buuxa loogu gaari lahaa.

Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Beledweyne ayaa maalmihii dambe waxaa ku dagaalamaayay labo Maleeshiyo beeleed oo wada degan Gobolkaasi Hiiraan.

Wafdiga ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baledweyne ee Ugaas Khaliif waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaannada iyo Wasiirrada ayaa ka hor inta aysan ka amba bixin Magaalada Muqdisho waxaa ay baaq nabadeed ka jeediyeen,waxaana ay ka dalbadeen beelaha dagaallamaya in so shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka.

Wafdiga ka socda Dowlada ayaa lagu wadaa iney kulamo gaar gaar ah la qaataan Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Beledweyne iyo kan Gobolka Hiiraan.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in Deg Deg loo joojiyo Colaada ka taagan galbeedka Magaalada Baledweyne.

Comments are closed