Siyaasiyiinta Deegaanada Somaliland Kasoo Jeeda Oo Shirkii Muqdisho Lagu Cunsuriyadeeyay Iyagoona Ka Dhex kacay Shirka DAAWO
Muqdisho,2015Dec,015(QJ/SDN)-Shir maalinkii shalay ee taariikhdu ahayd 13kii bishan uga furmay madaxda maamullada Soomaaliya iyo dowladda Federaalka kaas oo lagaga hadlaayay doorashooyinka lagu wado inay soomaaliya ka qabsoomaan sannadka 2016ka ayaa waxa ka dhex kacay oo kasoo horjeestay xildhibaanno kasoo jeeda deegaanada Somaliland kuwaas oo sheegay in aan loo dhammeyn shirkan isla markaana ay meesha caddaalad darro ka jirto.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa ergadii shirka ka qayb-galaysay isla markaana deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland ayaa waxa uu ka dhex kacay shirkii isagoona ku dooddaya in waxa meesha ka socdaa aanay ahayn wax caddaalad ah isla markaana aan loo dhameyn shirka wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2016-ka.
Xildhibaanka oo si cadho leh fadhiga uga kacay ayaa yidhi ‘’Midnimada Soomaaliyeed waa Muqadis, shir loo dhanyahay ayaa loo baahanyahay oo ummadda Soomaaliyeed kulli ay ku dhantahay,..’’ Halkaas markuu hadalka marinayay ayuu wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo shirka xidhiidhinaayay is yidhi xidlhibaanka ka qabo hadalka balse Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf waa ka diidday arrinkaasi, isagoona hadalkiisa sii wata waxa uu sii yidhi xildhibaanku ‘’Adeer hadalka ii daa, waxa weeye shir loo dhanyahay oo dadka Soomaaliyeed min raskaambooni illaa lawyacaddo degan ay u dhanyihiin in halkaa lagu qabto weeye,..’’
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in lasoo celiyay shirarkii Imbigaati oo kale isagoona ergadii shirka uga digay in shirarkaas oo kale lasoo celiyo ‘’ waxa lasoo celiyay shirkii lagu qaban jiray Imbigaati oo kale oo la yidhi ergada kama soo qayb-gali karaan oo aanu ka dagaallanay,..’’
Xildhibaanku waxa kale oo uu ka digay in lagu xad-gubbo qarannimada Ummadda Soomaaliyeed isagoona sheegay in laga fiirsado oo aan dalka denbi laga galin ‘’Waxa weeye aan ka fiirsanno inaan lagu xad-gudbin qarannimada ummadda soomaaliyeed oo aan denbi dalka laga galin, dad badan oo kumanyaal ah oo malaayiin gaadhaya ayaa diyaar u ah midnimada ummadda Soomaaliyeed oo aan shirka ka qayb-galin xaqna u leh,..’’ Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cabdi
Dhanka kale, isaguna waxa halkaasi ka hadlay xildhibaan kale oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya isagoona isaguna yidhi ‘’galabta war cad na dhaha waanu idinka baxaynaaye danta aanu idinku qabno hala arkee, kuwii xaggaas joogay (Somaliland) waanu soo diidnay midnimadaanu ku diidnay oo ay diideen, idinkana maanta warbaanu idinka rabnaa cad been been iyo mad-madow ma soconayo, ..’’
Si kastaba ha ahaatee, shirka loogu magac daray wadatashiga Soomaaliya ayaa u muuqda mid aan loo dhammeyn kaas oo dhaliilo badan ay dul hogganayaan, iyadoo weliba si gaar ah shirkaasi loogu cunsuriyadeeyay dadka kazoo jeeda deegaanada Somaliland ee magaalada Muqdisho ku sugan.
Muuqaalka: