|

”Haddii Uu Inanku Ummadda Islaamka U Hiiliyay Miyuu Innoo Hiiliyay Mise Waxbuu Innoo Dhimay..?, Sheekh Aadan Sunne Oo Ka Hadlay Xadhiga Abwaan Cabdiwaaxid

Hargeysa,14Dec,2015(QJ/SDN)-Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Oo Ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa waxa uu maalinkii lixaad ku xidhanyahay xabsiga magaalada Hargeysa, iyadoona xadhiga abwaanka loo aanaynayo maanso uu ka tiriyay weerarkii dowladda Islaamku ay ku qaadday magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

Sheekh Aad Caburraxmaan Warsame (Sunne), oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay markii ugu horreysay xadhiga abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid,  isagoona sheegay Sheekhu in aanu garanayn sabab loo xidhay Abwaanka balse buu yidhi abwaanku uu u hiiliyay ummadda islaamka.

‘’Waxaan idin xasuusinayaa maalin khudbad aan halkan ka akhrinaayay oo dhaweyto nin shaacir ah oo dhalinyarada ka mid ah ayaan soo qaatay baydad tix uu leeyahay aan anigu ka doortay munaasib aan ka hadlayayna aan ku kabay, ninkii maalin dhaweyd ayaa laygu yidhi jeelka ayuu ku jiraa, waan tagay jeelka waa hubaal waan soo arkay wuu xidhanyahay, waxaan ku idhi maxaa uu ku xidhanyahay?, bacdan naas waxay igu yidhaahdeen tixdii aad soo xiganaysay gabaygii ay ku jirtay ayaa lagu haystaa,.. wiilkan magaciisa waxba qarin maayo waa Cabdiwaaxid Cali Gamadiid, jeelasha Hargeysa mid ka mid ah ayuu ku jiraa,..’’ ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne oo ka hadlayay mid ka mid ah masaajidda magaalada Hargeysa.

Sheekha ayaa waxa uu xusay in ka ummadd islaam ahaan wax dhibaato ah oo gabayga abwaan Cabdiwaaxid inooga jira aysan jirin, balse uu abwaanku uu ka hadlay dad Nebi Muxammad NNKH Aflagaadeeyay ‘’Gabayga ayaan akhriyay, gabayga maxaa dhib ah ee innaga innoogu jira?,Ummatal islaam mandaqad ahaan iyo gobol ahaanba sidaasaan u eegay wax alle oo dhib ah oo innoogu jiray ma jirin, dad buu ka hadlayaa nebi muxamed aflagaadeeyay CSW caalamka xumaan ku hoggaamiyay bal ee xumaha iyo faxshiga ugu baaqay ummatal islaam gumaaday ummatal islaam dhibay ibaadeeyay baabiiyay cirdiga islaamka ku xad gudbay ayuu wax ka sheegay,..’’ ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne

Dhanka kale, Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sunne), ayaa waxa uu Is weydiiyay sababta abwaaniinta inta badan ummadda dhexdeeda isku dira loo xidhi waayay ‘’Ilaahaybaan idinku dhaarshee imisaa nin aftahanno ilaahay siiyay ayaa hadlay oo umullo doox geeyay ummadd intuu isku diray?. Imisaa cirdiga ummadd islaam ah baabiiyay?, Imisaa diin islaam ah dhaleeceeyay isagoo markaa xikmadiisa u adeegsanaya?, oo cadow iyo gaal u nusreeyay, maa wax la yidhi? Maa wax laga soo qaaday?, maa cidi daba gashay?, ‘’ ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne.

Sidoo kale Sheekh Aadan Sunne ayaa sheegay in Abwaan Cabdiwaaxid cidna ceebayn isla markaana aanu cidna aflagaado u gaysan ‘’Cid kamuu hadlin (Abwaanku), qabiil muu ceebayn, dolwad muu ceebayn , Shakhsi mu ceebayn, cid muu magacaabin,.. haddii uu inanku ummatal islaam u hiiliyay miyuu innoo hiiliyay mise waxbuu innoo dhimay?,.’’

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Sheekh Aadan Sunne ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalinkii lixaad uu xabsiga magaalada Hargeysa ku jiro Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid.

 Qurbejoog: Hargeysa, Somaliland

Comments are closed