|

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Kolonyo Ciidamada Kenya Ka Tirsan Iyagoona Dilay Qaar Ka Mid Ah Askarta Kenya

Mandheera,14Dec,2015(QJ/SDN)-Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday gaadiid ay wateen ciidamada Kenya oo oo marayay meel ku dhow magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari-Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in hal askari oo ka tirsan ciidanka Kenya in weeraka uu ku dhintay, halka labo kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen, balse lama oga illaa hadda khasaarihii soo gaaray xoogaggii Al-shabaab.

Guddoomiyaha Mandheera, Fredrick Shisia ayaa sheegay in kolonyada ciidamada ah ay kasoo baxeen Nairobi kuna socdeen Mandheera, balse uu weerar gaadmo ah ku qabsaday inta u dhexeysa deegaannada Elwak iyo Lafey.

Sidoo kale, Fredrick Shisia ayaa sheegay inay la yaaban yihiin in ciidanka Kenya oo jooga xadka ay Somalia iyo Kenya wadaagaan sida ay Al-shabaab suuro-gal ugu noqotay inay soo galaan gudaha Kenya oo ay weerar ka geystaan.

“Weerarkan wuu jiraa, waxaana lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Kenya, laba kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri Fredrick Shisia oo qaybaha warbaahinta kula hadlayay Mandheera.

Kenya waxaa kaga sugan Somalia kumannaan ciidammo oo ka tirsan hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, inkastoo Al-shabaab ay horay u sheegtay inay dalka Kenya ka geysan doonto weerarro khasaare badan dhaliya.

Ugu dambeyn, Xoogagga Al-shabaab ayaa weerarro kala duwan ka geysatay gudaha dalka Kenya, kuwaasoo intooda badan ka dhacay deegaannada gobolada Waqooyi-bari ee ay ka dagto dalkaas Soomaalida.

 

Comments are closed