|

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Warramay Kulan Saddex Geesood Ah Oo Laga Hadlaayay Caqabadaha Saxaafadda DAAWO

Hargeysa,14Dec,2015(QJ/SDN)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharaxay kulan madaxtooyada ku dhexmaray xukumadda, xeer ilaalinta iyo ururka saxaafadda SOLJA, kaasi oo ku saabsan in la dul istaago caqabadaha saxaafadda iyo cabashooyinka laga qabo saxaafadda.

Ururka SOLJA, ayaa xukumadda u gudbiyay tabashooyinka ay saxaafad ahaan qabaan, maadaama inta badan xadhiga saxaafadda iyo xarumaha saxaafaddu yahay mid soo noqnoqda, waxaanay sidoo kale xukumaddu hor dhigtay tabashooyinka saxaafadda lafteeda laga tirsanayo.

Wasiirka ayaa sheegaya in xukumaddu dhawrayso madaxbannaanida saxaafadda, balse ay jiraan tabasho laga qabo saxaafadda oo uu ka xusay in saxaafadda dad aan xirfadeeda lahayni ku shaqeeyaan

Comments are closed