|

‘’Isha Cali U Fiirsada Dhawaan Fiintu Way Orinne,’’ Gabaygii Abwaan Cabdiwaaxid Xabsiga Loogu Taxaabay DAAWO

Hargeysa,13Dec,2015(QJ/SDN)-Ciidammada Ammaanka Somaliland, ayaa xidhay Abwaanka da’da yar ee Cabdiwaaxid Gamadiid, ka dib markii uu Maanso uu soo saaray ku taageeray weerarkii Dowladda Islaamka Ee Daacish bishii hore ku qaaddey Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka Faransiiska.

Abwaan Cabdiwaaxid Gama’diid, oo Maalintii lixaad ku xidhan Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa loo xidhay inuu Maanso ku taageeray weerarkii Daacish ku dishay 130 Ruux ee ka dhacay Magaalada Paris, sida Wargeyska Himilo ay u sheegeen qaar ka mid ah Ciidammada ammaanku.

Cabdiwaaxid, ayaa Maansada uu ku taageeray Weerarka Daacish ku qaadday Paris ayaa waxa uu ugu Magac daray ‘Isha Cali u Fiirsada’,

Haddaba Halkan Hoos Ka Daawo Gabayga Abwaan Cabdiwaaxid Lagu Xidhay;

Qurbejoog; Hargeysa

 

Comments are closed