|

Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay xad gudub ay Sheegeen in Somaliland Ku hayso Qaybo ka Mid ah Dhulka Puntland

Garowe 14.Dec 2015 (SDN/QJ):- Golaha Wasiiradu waxaa ay si qota dheer ugaga hadleen xad gudubka ay sheegeen in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka wadaan qaybo ka mid ah dhulka Puntland gaar ahaan Sida ay yidhaahdeen waqooyiga Gobolka Sool iyo Koonfurta Gobolka Sanaag, halkaasoo Xukuumadda Somaliland keentay shirkado shisheeye oo qaabilsan arrimaha macdanta iyo barista shidaalka.

d1

Hadaba, Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland waxay u arkaan arrintaasi daan-daansi iyo xad gudub qaawan oo soohdimeed, taasoo haddii aan laga waan toobin keeni karta xasilooni daro iyo isku dhac hubaysan.

Dawladda Puntland waxay mar walba la jirtaa ilaalinta Nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka, waxayna kasoo horjeedaa in dadka Soomaaliyeed lagu celiyo khilaaf Siyaasadeed oo cusub kaasoo horseedi kara in dib loogu laabto taariikhdii madoobayd ee lasoo maray, sidoo kale Dawladda Puntland waxay uga digaysaa shirkadaha shisheeye ee la keenay dhul ka mid ah deegeenada Puntland inaysan sabab u noqon isku dhac iyo khilaaf cusub oo deegaanadaa ka yimaada.

Sidaa darteed, waxaanu faraynaa in shirkadahaasi ay ka baxaan ciidda iyo dhulka Puntland, haddii kale waxay qaadi doonaan masuuliyadda wixii meeshaas ka yimaada.

Comments are closed