|

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo horjeestay go’aan Duqa Muqdisho Xaruntii Golahaas ku wareejiyey

Muqdisho 13.Dec 2015 (SDN/QJ):- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Sabtidii Maanta kasoo horjeestay go’aan Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale uu ku wareejiyay Xaruntii hore ee Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay go’aan sharci-darro ah oo aanay aqbali doonin.

NASHQADDA-XARUNTII-HORE-EE-BAARLAMAANKA-SOOMAALIYA-LOO-DHISI-DOONOGuddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa Jimcihii ku wareejiyay Xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Mulkiilaha TV-ga Universal Inj. Axmed-deey Abuubakar, halkaasoo la sheegay in laga dhisi doono goob ay Shacabku u Dalxiis tagaan.

Kulan ay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen maanta xaruntooda Muqdisho, ayaa lagaga hadlay tallaabada Duqa magaalada Muqdisho ku wareejiyay xaruntii hore ee Baarlamaankii Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay inaanay oggolaan doonin, isla markaana ay go’aan cad ka qaadan doonaan tallaabada Xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya loogu wareejiyay Shaqsi Ganacsade ah.

Burburka-dhismihii-hore-ee-Baarlamaanka_Somalia-1Sidoo kale, Xarunta Baarlamaankii hore ee Soomaaliya, ayaa hore loo sheegay in lagu sameyn doono Dayactir, si loogu soo celiyo Muuqaalkeedii hore, isla markaana ay Xildhibaannada Soomaaliya ku shaqeyn doonaan.

Waxay ahayd laba sano ka hor markii Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay soo bandhigeen Nashqadda uu yeelan doono marka dib loo dayactirayo Xarunta Baarlamaankii hore ee Soomaaliya, iyada oo aan la ogeyn Qorshaha Duqa Muqdisho uu ugu wareejiyay Xaruntaas Mulkiilaha Telefeshinka Universal.

Comments are closed