|

Dawlada Federaalka oo Muqdisho isku Soo Hor fadhiisisay Dr Cabdiweli Gaas Iyo Prof Galaydh

Muqdisho 13.Dec 2015 (SDN/QJ):-Dawladda Somaliya ayaa magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya kul kulansiisay Madaxweynaha maamulka Puntland iyo hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.
medium_X38QVbgyMa jiro war rasmi ah oo kulankaas ka soo baxay, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in kulankaas uu ka soo shaqeeyay raysalwasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid,waxaanay Cali iyo Cabdiweli kaga wada hadleen arrimo ka dhexeeya, iyagoo isla qaatay in la bilaabo wada hadal ay iskugu soo dhawaanayaan. Waxa kale oo la sheegay inuu kulanka goob-joog ka ahaa hoggaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

Lama saadaalin karo in kulanka dhex maray Cabdiweli Gaas iyo Cali Khaliif uu sababi karo in siyaasiga Galaydh uu xidhiidh bilow ah la yeesho maamulka Puntland oo uu si adag u dhaliilo.

Comments are closed