|

Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Wakiilka Kenya Iyo Safiirka Wareega.

Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa magacaabay Masuuliyiin cusub oo ka mid noqon doona Xubnaha Xilalka ka haya Xukuumaddiisa ee hore u magacawnaa.

Axmed-Siilaanyo1Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Caawa Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Wakiillo cusub, kuwaasoo oo buuxin doona Boosas uu Wakiilladoodii hore xilal kale ugu magacaabay, isla markaana kala ah Wakiillada Somaliland u fadhiyi doona dalka Kenya iyo sidoo kale Wakiilka wareega ee Somaliland, kuwaasoo uu Masuuliyiintoodii hore u kala magacaabay Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland.

War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cige (Dayr), oo Nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, ayaa lagu sheegay Magacaabistaas uu Madaxweynuhu sameeyey, Xubnaha uu u magacaabay iyo Qodobbada uu u cuskaday.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ee Nuqulka ka midka ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3714/122015 ku magacaabay Danjireyaal cusub.

Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dallalka dibeddu u leeyihiin Dhismaha Qaranka.

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya iyo wakiilka wareega ee Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu La-tashaday: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah. Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday; 1. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.

  1. In Mudane, Raabi Cabdi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large). ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkaas soo gaadhay Qurbejoog caawa ee ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland.

Comments are closed