|

Khilaafkii Xisbiga UCID Ee U Dhexeeyay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharax Jamaal Oo Lagu Dhammeeyay Heshiis Xogtiisa Aad Loo Ilaaliyay

Hargeysa,12Dec,2015(QJ/SDN)-Khilaafkii u dhexeeyay Musharraxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe, ayaa Guddi Odayaal ah oo Maalmihii u dambeeyay ka shaqeynayey ayaa lagu wadaa inay soo afjaraan sida qorsuhu yahay.

Khilaafkan UCID oo bilaabmay markii Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe sheegay in lagu tartamayo Musharraxnimada Madaxwaynaha ee Xisbiga oo uu u sharraxan yahay Jamaal Cali Xuseen, ayaa waxa loo saaray Guddi Odayaal ah oo xal ka gaadha khilaafka labada dhinac, maadaama oo Jamaal ku doodayo inaan Musharraxnimada Xisbiga lagu tartami karin isla-markaana Faysal Cali Waraabe doonayo in lagu tartamo Musharraxnimada Madaxwaynaha Xisbiga.

Guddoomiyaha Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga Somaliland Xasan Guurre Jaamac, oo ka mid ah Guddiga Odayaasha ah ee arrrintan ku jira, ayaa rejo ka muujiyey in khilaafka UCID la soo afjaro, “UCID waxa laga yaabaa inuu arrinkiisu (Khilaafkiisu) dhawaada, aniga oo rejaynayo inuu dhamaado.” Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guurre oo la hadlay Telefiishanka Royal.

Dhanka kale, Ilo-wareedyo xog-ogaal ah, ayaa habeen hore shabakadda Qurbejoog.Com u xaqiijiyey in Guddiga Odayaasha ahi Isniinta soo socota ku dhawaaqayaan heshiiska labada dhinac wada gaadhayaan ee lagu soo afjarayo khilaafka ka taagan Musharraxnimada Xisbiga ee doorashada soo socota.

Hasa-yeeshee ilo-wareedyo kale oo aanu wax ka waydiinay nuxurka waxa labada dhinac ku heshiiyeen, ayaa ka gaabsaday inay bixiyaan faahfaahiyaan ka badan in la soo afjarayo, iyaga oo ku cudur-daartay in ka hor inta aan heshiiska la shaacin lagu heshiiyey inaan labada dhinac midna xogta heshiiska u gudbin Saxaafadda.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka xisbiga UCID oo warbaahintu aanay baryahan wax war ah ka helin, ayaa u muuqda mid gabo-gabo u dhow isla markaana lasoo afjari doonno.

Comments are closed