|

Muddane Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Dadka reer Saraar ugu Baaqay ka qaybgalka Dhismaha Jidka Ceerigaabo & Diiwaangelinta DAAWO

Caynabo  13.Dec 2015 (SDN/QJ):– Xildhibaan Ibraahin Axmed Raygal oo ka tiresan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doortay gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Saraar oo doorashadii 2005-tii ka dib gobol noqotay, ayaa dadka deegaannada Saraar ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dhaqaalaha lagu dhisayo Waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, isla markaana isu diyaariyaan inay si fiican isu diiwaangeliyaan diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo la filayo inay dhawaan dalka ka bilaabanto.

Xildhibaan Ibraahin Axmed Raygal oo Booqasho Shaqo ku tegay magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar iyo deegaanno hoos-yimaadda, ayaa sheegay in muhiimadda socdaalkiisu la xidhiidho waycigelinta iyo ku baraarujinta dadweynaha gobolkaas sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dhismaha Waddada magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaysa oo uu sheegay inay wax yar u jirto degmada kala badha Somaliland ee War-idaad.

Warkaas oo dhammaystiran iyo Baaqa uu Xildhibaan Ibraahin Axmed Raygal u jeediyey dadka ku dhaqan gobolka Saraar, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed