|

Ardayda Afrika oo Loo Xidhayo Internet ay Dhamaantood Ku Wada Xidhiidhi Karaan

Addis Ababa 13.Dec 2015 (SDN/QJ):- Dalladaha baadhitaanada iyo waxabarashada ee Qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin UbuntuNet Alliance, ASREN iyo WACREN ayaa kala qayb qaadanaya kuwa dhigooda ah ee reer Yurub hirgelinta mashruuca  yagleelida Internet xawaarihiisu sareeyo oo wada gaadha guud ahaan qaaradda afrika.

NET
Tani waxay timid ka dib guushii xidhiidhka ee Afrika ee qaybta ka ahayd farsamada iyo shaqada Hay’adda UbuntuNet ay ku goglaysay internet xawaarihiisu sareeyo oo loo xidhayey hay’adaha dhinacyada waxbarashada iyo baadhitaanada ee bariga iyo Koonfurta QaaraddaAfrika mudadii u dhexaysay 2011-2015.

Internet-ka xidhiidhiyaha labaad ee Internet-ka ayaa dallad ay wada isticmaalaan u noqonaya dhamaan bulshada qaarada Afrika, isagoo ku xidhi doona bulshooyinka kale ee caalamka gaar ahaan kuwa reer Yurub kaas oo u saamaxaya Ardayda , baadhayaasha iyo dadka akadamiga ah ee reer Afrika inay iskaashi wada samayn karaan ka dibna ay is caawin karaan kuwo kale oo reer Yurub ah.

Sababaha loo abuurayo xidhiidhiyahani ma aha oo keliya faa’iidooyin waxbarasho iyo kuwo baadhiseed laakiin waxa sidoo kale lagaga faa’iidaysan karaa aqoonta Online-ka ah iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah bulshoweynta Afrika, waxana ay si isku mid ah looga faa’iidaysan doonaa daraasadaha dhanka sayniska ee daafaha caalamka laga wado sida ta isbedelka cimilada aduunka, qaybaha hiddo sidayaasha, helitaanka cunto ammaan ah oo dadka dunda ku filan cudurka duumada iyo xanuunada kale ee joogtada ku ah dunida.

Professor Jegede oo ka tirsan Obafemi Awolowo University  ee Dalka  Nigeria oo ka hadlay faa’iidada uu Afrika u leeyahay internet-kan xawaarihiisu dheeraynayo ayaa waxa uu yidhi sidan: ‘Marka aan eego khibrada aan u leeyahay baadhitaanada waxaan aaminsanahay in aan u baahnahay in aan gaadho caddaymo muhiim u ah heerka ay gobol ahaan gaadhsiisan tahay xaalada isbedelka cimiladu, haddawaxaan awoodi doonaa inaan sameeyo baadhitaano kala duwan oo natiijo dhalin kara, sidoo kalena waxa aan ardaydayda ku siin doonaa tababar wanaagsan anigoo adeegsanaya Internet ii sahlaya inaan la xidhiidhi karo bagcad kasta oo ka mid ah Afrika, aqoonta la is dheeryahayna ka raadsan kara Qaaradda Yurub”

Qaybta xudunta u ah iskaashigan labada qaaradood ee dhanka xidhiidhka internet-ka ayaa loogu magic daray Africa-EU Partnership iyadoo xidhiidhiyaha labaad ee Afrika uu buuxin dono labada qaaradoodba iyadoo bulshooyinku xuduuddaha iyo badaha isaga talaabin doonaan waxbarista iyo baadhitaanada, taasoo dardargelin u ah in ciuluun hor leh la daah qaado.

‘Sayniska, Tiknoolajiyada iyo hal abuurka sare ee wax lagu ogaado ee ay ah qorshaha wadajirka ah ee afrika iyo yurub ayaa macnihiisu yahay sidii loo gaadhi lahaa hadafka horumarinta dhaqan-dhaqaale’ sidaa waxa yidhi Françoise Moreau Agaasimaha guud ee horumarinta iyo iskaashiga u qaabilsan shirkadahan midoobay, isagoo intaa raaciyey ‘in sababta loo dhigay istiraatiijiyada wadajirka ah ee afrika iyo yurub ay u tahay mid xidido dhaadheer ku qotonta oo ku aaddan horumarinta aqoonta , xirfadaha, dhaqaalaha iyo ururada bulshada.’

Hay’adaha ka hawlgala dhinacyada waxbarashada iyo baadhitaanada ee  Afrika ee kala ah UbuntuNet Alliance, ASREN iyo WACREN waxay taageeri heerar kala duwan oo dhanka horumarka ah  ku taageeri doonaan internet-yada maxaliga ah ee qaaradda Afrika ka jira, waxana ay xoojin doonaan xidhiidhka gobol ahaaneed iyo ka caalamiga ahba iyagoo ku dhiirrigelinaya inay hay’ado iyo dalal badani ku soo biiraan.

Xidhiidhiyaha labaad ee Afrika ayaa la rajaynayaa in hirgelintiisu soo gebagebowdo dhamaadka sanadka 2018, iyadoo sanduuqa horumarinta iskaashiga ee midowga yurub uu kaga qayb qaadanayo maalgelin qiimaheedu gaadhayo  €20 million, halka shirkadaha kale ee ka faa’iidaysanayaana ay keeni doona inta kale oo noqonaysa €6.6 million.

Comments are closed