|

Gudoomiyaha Ucid Ee Gobolka Saaxil Oo Jawaab Ka Bixisay Eeddo Marwada Madaxweynuhu U Jeedisay Saxaafadda

Berbera 12.Dec 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay Marwadda Madaxweyne Siilaanyo oo u dhacayay in dadka saxaafadda ka hawlgalaa ay aqoon ahaan wax kasta oo la barayba ay ku soo ilaaween musqusha.

rooda-axmed-yaasiinMarwo Rooda oo shalay la hadashay Telefishanka StarTV waxay daba socotay hadal Marwadda Madaxweynaha Somaliland si wayn ugu durtay saxaafadda, isla markaana ay ka jeedisay shir lagaga hadlayay dhawrista xuquuqda aadamaha oo ka dhacay magaaladda Berbera.Marwo Rooda oo ka jawaabaysa eeddahaa Marwadda Madaxweynuhu u jeedisay saxaafadda waxay tidhi; “Maalmahanba waxa la xusayay maalinta xuquuqda aadamaha. Maanta dad baa xuquuqdoodda lagu gefayay weriyayaashu ka kow yihiin, oo halkaa laga yidhi Berbera, weriyayaashii aanu wax baray wixii aanu baray ma intay cunneen bay suuligay kaga yimaadeen. Waa ayaandaro haddii abaalkoodii noqday weriyayaashii la soo halgamay xukuumaddii Kulmiye, maalintii ay ooyayeen ee tooshka u siday ee meelaha madow wax kaga duubayay, in maanta lagu yidhaahdo musqushay kaga yimaadeen waanu ka xunahay. Taasiba waa xuquuq lagu gefay, oo umad dhan oo mutacalimiin ah lagu gefay  oo la leeyahay waa laydinku khasaaray, manay qabanayn meesha waxaanan leeyahay weriyayaasha  qaranka meeshii layska arkayay baa tihiin, arrintaana waa ka xunnahay waana idinka xaal siinaynaa haddaanu nahay xisbiga Ucid.”

Marwo Rooda waxay intaa ku sii dartay oo ay tidhi; “Ragga xukuumadda jooga meel kastaba ha jooggaane, horta nin walawba waxaad ogaataa waxa lagugula hadlayaa in aanuu ahayn waxaad iska leedahay, waxa lagugula hadlayaa waa wax aynu wada leenahay. Waxaan lagugula hadlin haddaad doonayso dukaan furo oo dhex fadhiiso.Maaha bakhaaro aad leedihiin meeshu, waa wax umadda laydiinku dhiibay, waa laydinkula hadlayaa, waa laydinku cannaanayaa, waana laydinku dhaliilayaa. Umaddaan wax u hayaa, laylana hadli maayo labadaasi isma qabato, waxaad mooddaa hadalkiinu inuu iska hor imanayo. Waxay mar walba yidhaahdaan waa nala caayay, waa nala maagay, ciddi idinma caydo, waa laydin dhaliilaa oo anagu ma caytano, waana laydin dhaliilayaa. Laakiin idinkaa berigii Kulmiye mucaaridka ahaa xoog u caytamay, weli buuqiinii baa idinla socda.”

Comments are closed