|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta Qasrigiisa ku Qaabilay Wefti ka socda Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya

Hargaysa 12.Dec 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti wasiiro ah oo ka socda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dalka ku sugnaa maalmahan.

Isbarasho ka dib waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo weftiga uga mahadnaqay socdaalka ay ku joogaan Somaliland, ka xukuumad ahaana ay soo dhawaynayaan wasiirada iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dawladood ee jaarka wanaagsan iyo walaaltinimadu ka dhaxayso.

Halka dhinaca weftigana uu u hadlay wasiirka Ganacsiga iyo Gaadhiidka DDSI Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo isna ku hadlaayey afka weftiga uu hogaaninaayey ayaa ka mahadnaqay sida sharafta iyo karaamada leh ee Dawlad iyo shiciba loogu soo dhaweeyey Somaliland, waxaanu balan qaaday marka uu dalkii dib ugu noqdo in uu ka shaqayndoono sidii ay u dardar gelin lahaayeen isdhaafsiga ganacsiga labada dal oo markii hore u badnaa uun mid ka soo gala dhinaca itoobiya balse ay hada xooga saaridoonaan sidii ganacsiga Somaliland ee uu ugu horeeyo kalluunku u gaadhi lahaa dalka itoobiya, isaga oo madaxweynaha ku hambalyeeyey dedaalka iyo kartida ay ku dheehan tahay waayo aragnimadu ee aad ku hogaamisay dalka mudadii aad xilka haysay ayuu yidhi wasirku, waxanan kugu hambalyeynaynaa go’aankii aad ka qaadatay markii aad sida geesinimada leh u buuxisay xilalkii ay ka tageen wasiiradii hore uga tegay xukuumada.

Ugu danbayna waxa halkaas ka hadlay soona xidhay shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo oo weedho dhaxal gal ah ka jeediyey halkaas.

Mudanayaal

Ugu horreyn, waxaan idiinka mahadnaqayaa socdaalka aad ku timaadeen Somaliland, sharaf weyn bay ii tahay in aad booqasho iyo bariido iigu timaadeen xafiiskayga saaka.

Mar labaad, waxaan idiinku hambalyeynayaa xuska maalinta qoomiyadaha Ethiopia ee aad jaaliyaddiina halkan ku dhaqan kala soo qayb-gasheen.
Sidoo kale, waxaan idiinku bogaadinayaa nabadgelyada, horumarka iyo is-beddelka nololeed ee aad ka hirgaliseen Dawlad Deegaanka Is-maamulka Soomaalida Ethiopia oo dib u dhac xoog lihi ka muuqday xilligii hore.
Arrintani waa mid aanu ku faraxsannahay, tusaale fiicanna u ah guud ahaan Qoomiyadda Soomaaliyeed ee ku kala nool Dallalka Geeska Africa.

Mudanayaal
Dawladda aan madaxda ka ahay waxa ka go’an in ay xoojiso xidhiidhka iyo wada-shaqaynta dalka aanu deriska nahay ee Ethiopia, gaar ahaan Dawlad Deegaanka is-maamulka Soomaalida Ethiopia ee aad ka tirsan tihiin.

Haddaba, si aynu u xaqiijino is-kaashiga siyaasadeed, nabadgelyo iyo kan dhaqan-dhaqaale ee inaga dhaxeeya, waxa waajib ah in aynu xoojinno, isla markaana dhinac uga soo wada jeesanno meel marinta arrimahan hoos ku xusan:

• Adkaynta Nabadgelyada Xuduudaha.
• La-dagaalanka Kooxaha Argagixisada.
• Is-dhaafsiga Xogaha Cadowga Nabadda.
• Isu-celinta Danbiilayaasha Labada Dal Ka Soo Firxada.
• Dhiiri-gelinta Ganacsiga iyo is-dhexgalka Bulshada.

Ugu danbayn, waxaa bud-dhig iyo ballan inoo ah in aynu si wada jir ah uga wada shaqayno wada-jirka, walaalnimada iyo wada noolaanshaha bulsho weynta aynu madaxda u nahay.

Mar kale waxaan jecelahay in aan idiin mahadnaqo, farriini waa qaan ee salaan iga gaadhsiiya Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Is-maamulka Soomaalida Ethiopia Mudane, Cabdi Maxamuud Cumar.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo isbarasho guud ayaa ku soo dhamaaday weji wanaagsan iyo Isfahan buuxa, iyadoo madaxweynuhu hadyad ka kooban Astaanta Qaranka Somaliland gudoonsiiyey weftiga oo uu hogaaminaayey Wasiirka Ganacsiga Dawlad deegaanka Soomaalidu.

11204452_872592076187980_6084348373637410708_n 12227022_872592422854612_5981555451545109714_n 12249858_872592819521239_4936933498161508424_n 12310517_872592626187925_4133110777709433782_n 12313886_872592596187928_1462730552860691833_n 12316528_872592259521295_645445808105452196_n 12316662_872592009521320_2232964500494742822_n 12321127_872592382854616_8123985577657552986_n 12341165_872592152854639_4793263050698456774_n 12341170_872592829521238_7192028917135670085_n 12341468_872592322854622_535320163072353263_n 12342277_872592696187918_8607888483694375097_n 12342426_872591952854659_8496361897858146368_n 12342511_872592142854640_4285396465784210285_n 12342665_872591959521325_2635639321908096578_n 12345398_872592256187962_5353370146308005215_n 12345561_872592359521285_7865919051694319151_n 12347848_872592502854604_2649890704202790381_n 12347925_872592499521271_3767689953579896096_n 12347976_872592156187972_9122614425923891597_n 12348012_872592786187909_5497583579137666525_n 12348077_872592559521265_5966386873465224409_n 12348107_872592492854605_234509262923545822_n 12373221_872592052854649_5573229757507587184_n 12373270_872592236187964_5879359699575616220_n 12373378_872592046187983_7534486087153425970_n 12375957_872591949521326_152988360448909829_n 12376119_872592352854619_4661868985936467891_n 12376573_872592402854614_6382163849061935396_n

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Comments are closed