|

Dowladda Soomaaliya Oo Codsatay In Dib Loo Bilaabo Wadahadalladii Kala Dhexeeyay Somaliland

Geneva,12Dec,2015(QJ/SDN)-Dawlada Somaliya ayaa mar kale ku baaqday in dib loo furo wada hadalkii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya.

Raysal-wasaare ku xigeenka Somaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay inay mihiim tahay isku tanaasul,waxaanu sheegay“Haddaan la isu tanaasulin oo aan la kala roonaan, roob ma da’o, waa in la kala roonaado, oo la isku dayo sidii la isugu tanaasuli lahaa, hadii qofkan qaldan yahay inaad si wanaagsan u sixi kartid baa la rabaa, xaqa iyo waajibaadkana waxaa horeeya waajibaadka”ayuu yidhi Maxamed Cuimar Carte oo ku sugan dalka Switzerland

Raysal wasaare xigeenka Somaliya waxa uu sheegay inay mihiim tahay in si dhakhso ah loo bilaabo wada hadalka Somaliland iyo Somaliya

“Hadii wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland aanu bilaabmin waxay noqoneysaa inuu xaalku halkii un uu taagnaado,dhibteeda leedahay, xalku waxaa uu ku jiraa in wada hadalku bilowdo, markaas ayay dib u heshiisiin imaan kartaa”ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte Qaalib

Wada hadalka Somaliland iyo Somaliya oo soo bilaabmay sannadkii 2012,kii ayuu wali hakad ku jiraa ,iyadoo dhanba dhanka kale ku eedaynayo inuu halkadku dhankooda ku yimid.

Waxana hore u fashilmay guddiyo ka kala socday Somaliland iyo Somaliya oo ku kulmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,kadib markii Somaliland ka biyo-diiday guddiga matalayay dhinaca Koonfurta Somaliya oo intooda badan lagu eedeeyay inay ka soo jeedaan Somaliland.

Comments are closed