|

Wiilal Dhallinyaro Soomaaliyeed Ah Oo Siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Magaaalada Washington Ee Dalka Maraykanka

Washington,11Dec,2015(QJ/SDN)-Magaalada Seattle ee Gobolka Washington ee Dalka Mareykanka ayaa todobaadkan siyaabo kala duwan loogu dilay laba Wiil oo Soomaali ah, iyadoo dilalkan ay cabsi ku abuurtay dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas.

Mid ka mid ah labada wiil ee Somalida ah ayaa lagu magacaabaa; Xamza Xasan Warsame oo 16-jir ahaa, kaasoo habeennimadii Axadda ahayd laga soo tuuray dhisme dabaq ah oo ku yaalla magaaladaas.

Xamza aabbihiis oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in isagoo ku maqan shaqo loosoo sheegay in wiilkiisu uu kasoo dhacay dhisme lix dabaq ah, uuna aad uga naxay warkaas.

“Wiilkeyga isigoo guriga jooga ayaa uga tagay, markii aan shaqada aaday ayaa la i soo wacay la iina sheegay in wiilkayga oo meyd ah uu isbitaal yaallo, uuna kasoo dhacay guri lix dabaq ka kooban, illaa hadda ma jirto cid noo sheegtay sidii ay wax u dhaceen,” ayuu yiri Xasan Warsame oo wiilkan 16-ka ah dhalay.

Sidoo kale, wiilkan ayaa la sheegay inuu dhawaan dhameyn lahaa waxbarashada dugsiga sare, waxaana aabbihii uu sheegay in wiilkiisa uu Qur’aanka Kariimka dhawaaan dhameyn lahaa ayna uga harsanayd suurad keliya, isla markaana uu qorsheynayay inuu soo xajiyo.

Dhanka kale, wiil kale oo Soomaali ah ay da’diisu ahayd 19- jir ayaa isagana la sheegay in xalay lagu dilay Seattle-Washington, isagoo ku dhintay is-rasaaseyn dhex-maraysay kooxo budhcad ah.

Mid ka mid ah madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Seattle, Sahra Bashiir Faarax ayaa u sheegtay VOA-da in wiilkan uu ku dhintay rasaastii ay is-wey-daarsanayeen dhallinyaro dagaalamaysay, iyadoo xustay inay booliska ka sugayaan warbixin rasmi ah oo arrintan la xidhiidhta.

Sahra waxay intaas ku dartay in maanta (Shalay) oo Jimce ah a qaban doono bannaan-bax ay kasoo qeyb galayaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay booliska kaga dalbanayaan inay keenaan warbixinta dadka Soomaaliyeed ee Seattle lagu dilay.

“Arrintan aad ayay noo saameysay… waana naxdin aad u weyn oo aanan marna ka filayn magaalada Seattle, dibadbax-bax weyn ayaan sameyneynaa berri, ciidamada booliiskuna weli faahfaahin nagama siin labada dhallinyarada Soomaaliyeed ah ee todobaadkan lagu dilay magaalada Seattle,’ ayuu tiri Sahra Bashiir.

Ugu dambeyn, Booliiska magaalada Seattle ayaa la sheegay inay wadaan baadhista dilalkaan ka dhacay magaalada Seattle muddo hal toddobaad ah, mana ahan markii ugu horreysay oo dhallinyaro Soomaaliyeed lagu dilo dalka Mareykanka.

 

Comments are closed