|

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Ka Hadlay Xannibaadda Idaacadda VOA

Hargeysa,12Dec,2015(QJ/SDN)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanu ilaa hadda ogayn sababta loo xidhay Idaacadda codka Maraykanka ee VOA-da kadib markii xukumaddu xannibtay. Idaacadda oo markii ay muddo hawada ka maqnayd dib u soo gashay xilliyadeeda caadiga ah ee subaxdii, galabtii iyo cawayskii ayaan wali loo ogolaan xilli cusub oo ah inay soo gaasho kowda iyo badhka duhurnimo.

“Horta waan maqlay in idaacadda la xidhay laakiin sababaha loo xidhay waa arrin khusaysa wasaaradda warfaafinta,markaa runtii anagu waxaanu jecelahay sida qarankeena iyo dastuurkeenu odhanayo in saxaafaddu xor tahay, laakiin dee sharciyo ayaa jira. Waa hay’ad ajanabi ah oo wadankeena sharci darro kaga shaqeeyo, sharciga ay jabisay wali ma hayo laakiin, waa arrin u baahan in laga waraysto wasaaradda warfaafinta,” ayuu yidhi Wasiir Sacad oo saxaafadda la hadlayay xilli uu ka soo degay madaarka Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan iyagoo safaaradda Maraykanka kula shiraya Nairobi madaxda safaaradda loo soo sheegay in Somaliland Idaacadooda xidhay “ Safaaradda Maraykanka waanu kulannay, fadhi wanaagsan baanu wada yeelanay, annagoo la fadhina ayaaba loo soo sheegay in la xidhay idaacadooda laakiin, wax walba sababo ayay leeyihiin markaa la iskama xidhin kolaye waxaan filayaa in sababaha loo xidhay laga waraysan doono wasaaradda warfaafinta,” ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirka warfaafinta ayaa dhawr goor sheegay in Idaacadda VOA ka baxday sharciga ay kuwada shaqeeyaan, iyadoo markii u dambeysay uu sheegay in xilliga duhurka(01:30pm) oo idaacaddu sii ogaysiisay bulshada aanay sharciga ku jirin, islamarkaana aanay xilligaasi ogolaan doonin, maadaama xilligaasi la dhegaysto Raido Hargeysa.

Comments are closed