|

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Fadeexado Musuq Maasuq Dul Hoganayaan Iyo Walaaca laga qabo inay Saamayn ku Yeelato Doorashooyinka

Hargaysa 10.Dec 2015 (SDN/QJ):- Jahawareer Maamul iyo Musuq Maasuq Baahsan ayaa ka taagan Xarunta Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland,waxaanay xafiisyada iyo illaalada Xaruntu Khaati ka taagan yihiin dad daymo ku leh oo dul wareegaalaysanaya Xarunta islamarkaana waayay cid ka qancisa xaalada dhaqaale daro ee ku soo korodhay komishanka Doorashooyinka,waxaana inta badan xafiisyada hoosta ka xidhay ama ka maqan madaxda u saraysa oo ka gabanaya buuqa iyo muruga soo food saaray.
Xubnaha Komiishanka SomalilandWariye Wargeysa Foore ka hawlgala oo shalay u kuurgalay shaqada ka socota Xafiisyada Gudida doorashooyinka qaranka ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in jiho la’aan iyo murug maamul soo foodsaaray Shaqaalaha ka hawlgala Xafiisyadda kala duwan ee Gudidada Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo sidoo kale Illaalada Amniga oo ku dawakhsan dad daymo isgaadhay sugaya oo ku soo laba noqonaya Xafiisyada kuwaasi intooda badan laga horjoogsado inay gudaha u galaan Xafiisyada,halka kuwa kale ee la siidaayaana ay jahawareer iyo dawakh kala soo kulmaan Xafiisyada. Waxa gabi ahaanba xidhan oo aan la ogalayn inaad wax laga ogaado xafiisyada Madaxdada Komishanka,waxa sidoo kale dhuumaalaysi ku jira oo aan xafiiskiisa saldhigin Agaasimiha guud oo isna ka waji qarsanaya lacagaha iyo daymaha dul hoganaya Komishanka ee isdaba yaala.
Illo-Wareedyo U Dhuun daloola Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa noo xaqiijiyay in Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan uu Todobada Xubnood ee ay ka kooban yihiin Gudidu u diray oo uu u soo iibiyay midkiiba gaadhi V-8 ah oo qaali ah oo la sheegay inay hadda dhexda ku soo jiraan,lagana soo iibiyay Dubai,waxa lagu sheegay qiimaha Gaadhigiiba laga soo siisay ama uu ku joogo 80,000-kun oo dollar,oo ah lacag badan marka loo eego duruufaha jira.

Warkan ayaa intaa ku daray in Gudoomiyuhu gaadiidkaasi laaluush uga dhigay Xubnaha Gudida kadib markii ay ku qabteen ama ay ogaadeen lacago xad dhaaf ah oo uu lunsaday islamarkaana uu dano gaar ah ku fushaday. Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa noo xaqiijiyay in Xubno Gudida ka mid ahi dhawaan ka shireen Gudoomiyaha islamarkaana ay go’aamiyeen inay ifka u soo saaraan muruga iyo foolxumada xafiisyadooda dhex taala balse lad qabe ay ka galeen Masuuliyiin Xukuumadda ka mid ahi ayaa lagu dhameeyey inay wax wada cunaan oo uu gudoomiyuhu wax u ogolaado Gudidan,waana ta keentay inuu Gaadiid Qaali ah u soo iibiyo oo uu iskaga laaluusho.
Soo galintaana xarunta ayaa la adkeeyay maalmihii u dambeeyay waxaanay aad uga foojigan yihiin in bulshada iyo dadka u soo galayaa ay wax ka ogaadaan Ceebaha dul hoganaya Xafiisyadooda,kuwaasi oo ay ka taagan yihiin maamul xumo iyo jahawareer ku gadaaman Shaqaalaha iyo agaasime waxeedyada oo ku jahawareersan hanaanka shaqo iyo dhuumashada hogaanka sare oo Albaadadooda is hordhigay askar illaalo ah.

Ciidanka illaalada ah ee albaabka laga soo galo Xarunta ayaa shalay waxa ay Albaabka ka celiyeen qaar ka mid shaqaalaha kadib markii ay u sheegeen in amar lagu siiyay inaanay ruux soo dayn,sidoo kale Shaqaalaha gudaha ku jira ayaa ciidanka loo sheegay oo lagu amray inaanay dibada u bixi Karin waxaana la arkayay shaqaaleh dan u lahaa inay diba aadaan oo albaabka dusha lagaga xidhay.

Shaqaale badan oo bilawgii Gudidan shaqada la bilaabay ayaa iska ruqseeyay oo shaqada iskaga tagay kadib markii ay la jaan qaadi kari waayeen hanaanka musuq maasuq ee ragaadiyay Gudida Doorashooyinka Qaranka .
Dhinaca kale,Xildhibaano ka tirsan labada Gole baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada oo u waramay Wariye Badri Koosaar oo ka tirsan Star Tv ayaa saluug ka muujiyay shaqada gaabiska ah ee ka muuqata Komishanka Doorashooyinka Somaliland,waxa ay ka degeen inay sabab u noqdaan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka soo socda,waxa ay carabka ku adkeeyeen inay meesha iskaga dareeraan oo ay iscasilaan ama ay bulshada iyo dadka wax garadka ah tusaan shaqo hufan oo ay qaranka iyo waxa ay u xilsaaran yihiin ku qabanayaan. Xildhibaan Buubaa oo ka mid ahaa xildhibaanada aragtidooda ka dhiibtay Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa waxa hadaladdiisii ka mid ahaa “Wakhtiga aad haysataan iyo shaqada la idinka sugayo mar walba isku qiyaasa oo ka faa’iideeya,hadhaw idinku yaydaan sabab u noqonin doorashadii oo wakhtigeedii ku qabsoomi wayda”.ayuu hadalkiisa ku soo gaabiya Xildhibaan Buubaa.

Xigasho Wargayska Foore Caddadkiisii Maanta oo Khamiis ah

Comments are closed