|

Maxkamad Ku Taal Koonfur Afrika oo Nin Soomaali ah ku Xukuntay Xabsi Konton Sano ah & Dembiga uu galay

Johannesburg, 10 December, 2015-(SDN/QJ):- Maxkamad ku taalla magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, ayaa Xabsi 50 sano dhan ku xukuntay Nin Soomaali ah, ka dib markii uu ku caddaaday fal-dambiyeed dil ah oo uu Nin kale oo Soomaali ah ugu geystay isla magaaladaas Johanesburg.

xukunYoonis Yuusuf Maxamed oo 32 jir ah, ayaa Maxkamaddu waxay ku heshay dembigii lagu soo eedeeyay ee ahaa inuu si badheedh ah toogasho ugu dilay 03-dii bishan December ruux Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Ilyaas Maxamed Cabdimaalik oo 25- jir ahaa.

Dilkan, ayaa ka dhacay Xaafadda Soomaalidu ka degto magaalada Johanesburg ee Mayfir, waxaanu dilkan yimid ka dib markii labadan Nin ay ku murmeen goob lagu ciyaaro bil-yaardiga sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeen Booliiska dalka Koonfur Afrika u hadlay oo lagu magacabao Xoli Mbele.

Sidoo kale, Afhayeenka, ayaa sheegay inay soo qabashada tuhmanahahan ka geysteen gacan weyn dadka deegaanka uu dilku ka dhacay, isagoo xusay inuu eedeysanahani dembiga lagu helay uu baxsaday markii uu dilka geystay, waxaa sidoo kale la helay Baastooladdii uu diilka ku fuliyay, taasoo qayb ka ah caddaymaha Maxkamaddu u cuskatay xukunka Xabsiga dheer ah ee ay ku ridday ninkaas.

Afhayeenka ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Johannesburg ugu mahad-celiyay soo qabashada eedeeysanaha, waxaanu sheegay inay wada-shaqeynta Booliiska iyo Jaaliyadda, taasoo uu xusay inay qayb weyn ka qaadan doonto yareynta falal-dembiyeedyada ka dhax-dhaca Jaaliyadda Qoxoontiga ku ah Johannseburg iyo guud ahaan Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin Kumannaan Soomaali ah, ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca dilal ay Soomaalida isu geeystaan, kuwaasoo la xidhiidha is-qab-qabsi ganacsiga iyo arrimo kale-ba la xidhiidha; iyadoo marar badan magaalooyin ku yaalla dalkaas ay ka dhaceen dilal ay Soomaalida dhaxdoodu isu geesteen; kuwaasaoo qaarkood lagu xalliyay wadahadal dhax-maraya dhinacyada ay dhibaatada dhaxmartay.

Balse, dhibaatada ugu badan ee dilka, dhaca, dhaawaca iyo dhibaataynta kaleba lihi waxay inta badan Soomaalida ka soo gaadhaan dadka u dhashay waddanka Koonfur Afrika oo tacaddiyo aad u fool-xun kula kaca Soomaalida dalkooda ku dhaqan, falalkaas oo aanay inta badanna dawladda dalkaasi wax la tilmaami karo ka qabannin.

Comments are closed