|

Ambassador Baashe Cawil Oo Ka Hadlay Mashruuca Buurta Gacan-libaax Imaaraadku Ka Wado DAAWO

Hargaysa 10.Dec 2015 (SDN/QJ):-Safiirka Somaliland u jooga Imaaraadka, Ambasador Baashe Cawil Cumar oo Hargeysa soo gaadhay ayaa ka hadlay dhawr arrimood ay ka mid tahay qorshe Imaaraadku ka wado buurta Gacanlibaax, halkaasi oo uu sheegay in la ilaalinayo degaanka, islamarkaana laga hor tagayo nabaad guurka.

Wuxuu mashruucaasi ku tilmaamay mid dadka degaanka u dan ah oo abaaraha lagaga hor tagayo. Waxa uu dadka arrimahaasi ka dhaliila ku tilmaamay kuwo aan wadin danta shacabka iyo horumarka xukumaddu waddo eek u saabsan mashaariicda dawladdaha kale maalgalinayaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka qayb  galayo shirka ay isugu imanayaan safiiradda Somaliland iyo wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

 

Comments are closed