|

Xisaabta Baanka Dhexe u taalay Dawladda Hoose ee Hargeysa oo la Xayiray Iyo Sababta Keentay.

Hargaysa 10.Dec 2015 (SDN/QJ):- Maxakamadda gobolka Maroodijeex, ayaa amar xayiraad ah ku soo rogtay xisaabta dawladda hoose ee Hargeysa uga furan bangiga dhexe, kadib markii muwaadin lacag ku leh muran soo kala dhex galay, waxaana la amray in lacagtaasi la xayiro.
Baanka Dhexe somalilandMaxakamadda ayaa sheegaysa in dawladda hoose ka dhego adaygtay dacwado maxakamadeed sidaasi darteedna akoonkeeda bangiga dhexe la xayiray kadib markii muwaadin ku yeeshay lacag lix kun oo dollar ka badan, taasi oo dawladda hoose bixin wayday, balse ilaa hadda wax war ahi kama soo bixin dawladda hoose.

Comments are closed