|

‘’Haddii Ay Alamtara Soo Dhaaftay Waxaan Kuu Sheegayaa Inay Ciidamo Tagi Doonnaan Deegaanka Hol-hol,’’ Puntland Oo Somaliland U Hanjabtay

Boston,9Dec,2015(QJ/SDN)-Wasiirka umuuraha gudaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Axmed Karaash ayaa ka hadlay Shidaal la sheegay in dowladda Somaliland ka qodayso deegaanka Hol-hol ee degmada Xuddun gobolka Sool.Wasiir Karaash ayaa dowladda Somaliland si kulul ula hadlay isagoona sheegay in aanay iman Karin deegaanka Hol-hol ‘’Arrinkaas waxaanu ka qabnaa inaanu gaadhsiinno halka ugu danbeysa, inaanay iman Karin, dadkana khasab ayay ku haystaan, Khasabkaasna waxaanu ka warareegaynay International Community-ga iyo dowladaha deriska ah, iyo dadka halkaas ku wada nool,..’’ ayuu yidhi Axmed Karaash wasiirka umuuraha gudaha Puntland.

Waxa kale oo uu ku dooday Axmed Karaash inay markii hore u dulqaadanayeen balse hadda aanay dib ugu dul qaadan doonin Somaliland ‘’Intaanu dul qaadanaynay waanu dul qaadanay, waxaan kuu sheegayaa hadda laga bilaabo ma dul qaadan doonno, International Community-ga (Beesha Caalamka) iyo dowladaha deriska ah iyo dadka Woqooyigaa dega Hargeysiyo Berberiyo iyo Burco waxaanu leenahay arrinkaas isaga ah Cawaaqibkii ka yimaada iyagaa ka masuul ah,..’’

Dhanka kale, Wasiir Karaash ayaa u hanjabay shirkadda la sheegay inay Shidaal Baadhis ka sameynayso deegaanka Hol-hol in wixii dhibaato ah ee soo gaadha iyagu ay masuul ka noqon doonaan ‘’Shirkaddaa hadda la lahaa meelahaas ayaa laaluush laga qaatay een dowladdiisa inkastoo aanan hubin ka uu yahay waanu heli doonaa, waxaan uga digayaa wixii soo gaadha inay iyagu masuul ka noqon doonnaan,..’’ ayuu ku hanjabay Karaash.

Sidoo kale Wasiir Karaash ayaa sheegay in dowlaan ciidamo gaadhi doonnaan deegaanka Hol-hol kuwaas oo uu sheegay inay ka hortagi doonnaan hawlaha shidaal baadhiska ah ee dowladda Somaliland halkaasi ka waddo ‘’ Haddii ay Alamtara soo dhaaftay waxaan kuu sheegayaa oo aan caddaynayaa I n ciidamo tagi doonnaan shacabkuna kici doono meeshaana wax aanan anaku raali ka ahayn oo dadka deegaanku raali ka ahayn laga qaban Karin,..’’ ayuu markale yidhi Mudane Karaash oo Wareysi siinayay Fogaan-Araga Somali Cable.

Si kastaba ha ahaatee, Hadalkan kasoo yeedhay maamulka Puntland ayaanay dowladda Somaliland illaa hadda wax jawaab ah ka bixin.

Wareysiga Lala Yeeshay Wasiir Karaash: RIIX

Qurbejoog: Hargeysa Office

Comments are closed