|

‘’Muusow Haddaad Doorasho U Soo Baxday Dul Lahaw, ..’’ Xaaji Cabdi Waraabe Oo La Dardaarmay Musharax Muuse Biixi

Haregysa,8Dec,2015(QJ/SDN)-Odayga Somaliland xildhibaan Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), ayaa dardaaran waayeelnimo siiyey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbal-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo mar labaad xaflad maamuus ah ay u sameeyeen reer abtigii.

Xaflad casho-sharaf ganacsade Cali Aw Cumar Ismaaciil oo leh shirkadda ka shaqaysa dhanka dhismaha ee Al-Barako uu u sameeyey murrashax Muuse Biixi Cabdi xalay, kana qaybgaleen salaadiin, cuqaal, wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda, ganacsato iyo dhallinyaro, ayaa soo dhawayn, dhiirigelin iyo ducaba lagu siiyey mujaahidka.

Xildhibaan oday Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) oo isna hadal ka jeediyey goobtaasi, ayaa dardaraan waayeelnimo oo la xidhiidha hoggaaminta iyo u tartankeedaba siiyey murrashaxa KULMIYE, isagoo xusay inay Guurti ahaan dhex u yihiin murrashaxiinta xisbiyada dalka oo dhan, balse ay wax isu yihiin ciddii ka shaqaysa nabadgalyada oo ah shaqadooda.

“Ilaahay baa garashada leh oo kii uu u garto ayuun baa heli (madaxtinimada) ee waxaan leeyahay Muuse Biixi haddii Ilaahay kuu garto dul ogow kursigaa la colaadinayaa ee inta kuraasta ku fadhida oo dhami inay gooni u sii dul lahaadaan weeye, markaa Muusow haddaad doorasho u soo baxday dul lahaw, hadal wanaagsanow, haddii lagu qadfo ha celin, haddaad hesho ka sii badi, haddaad doonaysana cay iyo qadaf ha ku doonin,” ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim.

Sidoo kale, Suldaan Aaden Xasan, Chief Caaqil Cabdiwali Jaamac Cabdi iyo Chief Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar, Chief Caaqil Cabdi Jaamac Cawaale, ganacsade Cali Aw Cumar Ismaaciil iyo oday Cismaan Baane, ayaa dhammaantood madasha ka jeediyey hadallo isugu jira soo dhawayn, dhiirigelin, duco iyo taageero ku wajahan murrashaxa KULMIYE, iyagoo isku raacay inuu yahay nin u qalma hoggaaminta dalka oo weliba xaq badan ku leh.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Cabdi Yuusuf Ismaciil (Cabdi Wadaad) ayaa isna tilmaamay Muuse Biixi nasiib u helay waxyaabo badan oo uu dheer yahay murrashaxiinta xisbiyada kale, waxaannu dhiirrigeliyey odayaasha casuumay iyo dadweynahaba inay ugu hiiliyaan codkooda oo ay doortaan doorashada soo socota.

Sidoo kale, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa soo dhaweeyey casuumaddan loo sameeyey murrashax Muuse Biixi oo uu sheegay inay iyagu horeba u shaaciyeen taageerada iyo dhismaha murrashaxnimadiisa, isla markaana ay u arkaan inuu yahay qof ugu habboon hoggaaminta dalkan ee waqtigan.

“Anigu waxaan qabaa waddankan aynu joogno waqti walba ninkiisa Ilaahay baa keena oo hoggaamintiisa iyo waqtigeeda waxaad moodaa meel Ilaahay ilaashanayo, anigu waxaan leeyahay waqtigan maanta ah iyo xaaladdan Jamhuuriyadda Somaliland ee xilligan waa maalintii Muuse Biixi, waayo isagaa ugu habboon hadday naf huris tahay, hadday waayo-aragnimo tahay iyo hadday samir tahayba, la-wad la-wadyoo Muuse nin ka samir badan waa la la’yahay, markay soo ururtay ee wuxuu soo maray iyo siday hawshaasi u soo gabogabowday wuxuun baa ka sheekayn kara qolyahayaga KULMIYE ay ku wadajireen ee nin ka samir badan annagu ma hayno dalkan,” ayuu yidhi Wasiir Caddaani.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta dhiirrigelinta ah iyo ducada abtiyaashii oo uu ku faanay inuu dheer yahay murrashaxiinta kale, waxaannu yidhi, “Horta waxaan is leeyahay murrashaxiinta kale waxaad dheertahay abtiyaashaa, taasna markhaatigeeda waan idiin sheegayaaye waatii hore loo yidhi, ‘cuqaal talisa, boqor caadil ah iyo culimo miisaan leh Allihii carshiga dhigow kaaga caban mayno,’ ma cid kalaa taa leh?”

Waxa kaloo uu soo dhaweeyey dardaaranka odayaasha, isagoo xusay in xisbiyada siyaasadda Somaliland ay waayo-arag yihiin oo aan looga baqi doonin wax dhibaato keenaya, “Xisbiyada waxa u khilaaf badnaa KULMIYE, mar haddii la ogaa KULMIYE qayladiisa iyo wixii kala maray oo uu nabad ku dhammaystay kama warwar qabo UCID iyo WADDANI inay toodu adkaanayso, labaduba si ka dhibyar iyo nabad bay ku dhammaysanayaan oo khilaafkoodu ma buurna ee waa tartan yar oo hoose. Markaa taas ayaan u sheegayaa Guurtida iyo shacabkaba, annaguna waanu is haynaa haddaannu nahay bahda axsaabta, Ilaahayna waxaannu ka rajaynayaa inuu doorasho wanaagsan oo qabow oo qiimo leh inoo dhacdo,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Muuse.

 

Comments are closed