|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Ka Warbixiyey Dabeecadaha Libaaxyada uu dhaqdo Iyo Sida uu ula Dhaqmo DAAWO

Hargaysa 09.Dec 2015 (SDN/QJ):- Libaaxu Waa Mid ka Mid ah Xayawaanada loogu baqashada Badan yahay,Haday noqoto dad iyo Duunyaba.

Qaabka dhaqashadiisa iyo la Noolaantiisa ayaa iyana ka mid ah Waxyaabaha Cabsida abuura,Siyaabo kala duwan ayaa Caalamka dadka ku nooli ula Macaamilaan Libaaxa Isla markaana u Xannaaneeyaan.

Cali Maxamed Warancade Waa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Wuxuu Sannooyin ka hor sameeyay Beer lagu soo booqdo Libaaxyo uu Magaaladda Hargaysa ku hayo,Kuwaas oo Xiliyo hore Waxyeelo dhimasho Sababtay u gaystay Mid ka Mid ah Haweenka Caasimadda,Wuxuu ka Warbixiyey Sida uu u dhaqo Libaaxyadan oo Halistooda leh.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed