|

Musharaxa Jagada Madaxweyne Ee Xisbiga Jamhuuriga Dalka Maraykanka Oo Ku Baaqay In Muslimiinta Dalka Laga Mamnuuco

Washintong,8Dec,2015(QJ/SDN)-Ninka quud-darraynaya inuu noqdo musharraxa madaxweyne ee xisbiga jamhuuriga dalka Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku baaqay in la hakiyo dhammaan Muslimiinta soo galaya Mareykanka.

Mr Trump ayaa sheegay in ra’yi ururin dhawaan la sameeyay ay muujineyso in Muslimiinta ay naceyb badan u hayaan Mareykanka, dowladdana looga baahan yahay in ilaa iyo inta ay sababta arrinkaa keentay ka ogaaneyso, ay shacabkeeda ka difaacdo khatar ku iman karta.

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in hadalka Mr Trump uu yahay mid kasoo horjeeda qiyamka dalkaasi iyo danaha ammaan ee uu leeyahay.

Dhanka kale, Muslimiinta dalka Maraykanka ayaa hadalka ninkan si aad ah uga soo horjeestay, iyagoona sheegay in ninkani uu taageero kaga raadsanayo dadka Kiristanka eeku nool dalka Maraykan.

Comments are closed