|

‘’Shantii Sanno Ee Ugu Danbeeyay Waxaanu Aasaasnay Wasaaradda Kalluunka iyo Xoolaha,.’’ Wasiirka Ganacsiga DDSI

Hargeysa,8Dec,2015(QJ/SDN)-Waxaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland carwo lagu soo bandhigay wax soo saarka kalluunka ee xeebaha somaliland.

wasiir khadar

Munaasibada Carwadan lagu furayay ayaa Waxaa ka soo qayb galay shirkado maxali u badan oo kalluunka ka soo jillaabta badda siiba xeebaha Berbera, Mayd, iyo Saylac.

Carwadan waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda kalluumeysiga Somaliland oo kaashaneysa hay’ado caalami ah.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi kaluumaysiga Cabdi Gurey ayaa sheegay in ujeedadu tahay sidii loogu dhiirigelin lahaa dadka in ay kalluunka bartaan iyadoo Soomaalidu inta badan isticmaasho hilibka xoolaha.

Waxaa kaloo shalay lagu qabtay magaalada Berbera dabbaaldeg doonyaha soo saara kalluunka iyo sharkadaha kalluunka iyo dekedda berbera ay ku soo bandhigeen noocyada kalluunka laga soo saaro badda Somalilnd.

Carwadan maanta ka furantay Hargeysa ee kalluunka waxay soconeysaa saddex maalmood iyada oo dadkuna saaka iibsanayeen kalluun kala nooc ah.

Dhanka kale, Khadar Cabdi Ismaaciil wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo wefti uu hogaaminayo oo shalay Hargeysa soo gaadhay ayaa ka qayb galay Carwada iyagoo sheegay in dawladdoodu mudnaan siinayso Kalluunka.

Khadar Cabdi Ismaaciil oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi; ’’Waxa sharaf ii ah inaan maanta kasoo qay-galo bandhig carweedkan Oo aad ku maamusaysaan ama ku qabanaysaan xafladda maalinka Kalluumeysiga, Kollay fursadan ismaan lahayn waad la kulmaysaa markaan imanaayay laakiin nasiib wanaag waxay noqotay inaan la kulmo, waxaana jecelnahay haddaan naahay DDS ama shacabkeedii ka mid nahay inaad na bartaan sdia kalluunka loo isticmaalo…. Muddooyinkii ugu danbeysay ama shantii sanno ee ugu danbeysay itoobiya waxa la aas-aasay wasaaradda Kaluunka iyo Xoolaha,’’

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Wasiirka Ganacsiga DDSI;

Qurbejoog; Hargeysa 

Comments are closed