Jabuuti 38 Sano: Guulleed Abtidoon Iyo Geelle, Go,aanka Maanta Iyo Aragtida Dadka
“Ismaaciil Cumar Geelle Waa Nin Kelitalis Ah, Mana Ogolla In Xukunka Ciddi La Wadaagto”
London 08.Dec 2015 (SDN/QJ):- Barnaamijka kaalinta dadweynaha ee Telefishanka KalsanTV ayaa dadka reer Jabuuti iyo dad kale oo soomaalida kale ka mid ahiba ay kaga hadleen aragtiddooda la xidhiidha Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay inuu mar afraad u taagan yahay sii haynta taladda dalkaa oo muddada uu haatan hogaanka hayaa ay madaxa la gashay 17 sano.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa la tilmaamaa inuu wax badan ka qabtay dhaqaalaha wadankaa, isla markaana uu ka faa,iidaystay isbedelka siyaasadda caalamka, kasbadayna maalgelinta shisheeye taasina ay sababtay inuu kor u hinqado dhaqaalaha dalkaasi, dhisme ahaanna uu isbedelo. Laakiin waxa guusha dhinacaa uu ka gaadhay Madaxweyne Geelle barbar taalla oo la tilmaamaa, inuu ku guuldaraystay inuu dabaqo furfurnaan dhanka siyaasadda ah oo loogu tartami karo hogaaminta dalka, isla markaana ay taasi ka dhigtay Jabuuti dal yar oo dadkiisa lagu qiyaaso 800 kun oo qof oo tan iyo 1977 oo uu xorriyadda qaatay ilaa haatan yeeshay laba madaxweyne oo keliya. Sidaa daraadeed, barnaamijkaa kaalinta dadweynaha ee KalsanTV wuxuu ka duullayay oo bud dhig u ahaa su,aalo ay ka mid ahaayeen; reer Jabuuti siday u arkaan sii joogista Ismaaciil Cumar Geelle iyo go,aankiisan cusub?, ma jirto miyaa cid kale oo bedeli kartaa? Iyo qaar kale oo la mid ah.
Inkastoo dadka ka qayb qaatay kala aragti duwanaayeen, haddana xubnaha reer Jabuuti ee ka qaybgalay badi sas bay ka muujiyeen sii joogista Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanay ku tilmaameen digtaatoor aan cid kale u ogalayn taladda dalka. Dadka kale ee soomaalida ah eek a qayb qaatayna way ku kala qaybsanaayeen fikirka.
Qormo uu wargeyska Ogaal ku soo ururiyay aragtida dadkii ka qayb galay barnaamijkaa oo uu daadihinayay weriye Cabdillaahi Maxamed Cali waxay u dhigantay sidan;
Cabdiraxmaan oo ka soo hadlay dalka Sweden oo furay afkaarta barnaamijkaa ayaa aragtidiisa sidan u dhigay;“Anigu waxaan qabaa in aanay wanaagsanayn kelitalisnimadu,waxaana wanaagsan in la dardargeliyo mucaaridka. Laakiin haday dhab tahay in dadku rabaan waan ku raacsanahay, balse haddii aan dalka mucaaarid jirin waxay u eg tahay digtaatooriyad.”
Khadiija oo ka soo hadashay magaaladda Muqdisho ayaa iyana fikirkan ka dhiibatay barnaamijkaa, waxaanay tidhi;“Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha Jabuuti ma odhan karo, ee waa aabihii umadda soomaaliyeed horta, anaga Aabbuu noo yahay. Hadduu qofku wax wanaagsan qabto, waxa wanaagsan in aan la tuurin ee la soo ceshado, markaa aad baan ugu faraxsanahay in aan mar dambe aragno Ismaaciil Cumar Geelle oo madaxweyne ka ah Jabuuti, soomaaliyana Aabo u ah.”
Amiin Cali Ismaaciil oo ka soo hadlay dalka Holland oo u dhashay Jabuuti oo barnaamijkaa ka qayb qaatay ayaa isna fikirkan ka dhiibtay hogaaminta Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanuu yidhi, “Aniga iyo dadka da,day ahi waxaanu ka yaacnay wadanka 1997, waxaanu uga yaacnay qawlaysato wax lagu tilmaamo ayaa haysata xukunka, darxumo, tacliin la,aan, shaqo la,aan, wax kasta oo bani aadamka u suurageliya inuu noollaado qoyska qudha uun baa cunayay, siyaasiyiin fara badan oo damcay inay wax ka bedelaanna dawladdu jariimaday u gaysatay, wax jeelal ku jirra, wax nafta laga jaray. Ha na dhaafo digtaatoorkaasi, ha na dhaafo digtaatoorkaasi, wuxuu u kordhinayo dalkaasi ma jirto.”
Cabdicasiis oo ka hadlayay Hargeysa ayaa isna ku dooday;“Ismaaciil Cumar Geelle waxaan u arkaa nin aragti leh, oo umaddisa wax u soo kordhiyay, waxan la yidhaahdo dimoqraadiyada umaynaan bislaanin, qofku hadduu wax qabanayana buuq iyo dimoqraadiyad aynaan u bislaanin uma baahna, tan Somaliland baaban bedeli lahaa haddaan bedeli karayo.”
Axmed oo jooga dalka UK, isla markaana reer Jabuuti ah, oo isna ka qayb qaatay barnaamijkaa ayaa yidhi; “Ismaaciil Cumar Geelle markuu toban sano dalka soo xukumayay, kadib xeerkii dalkuu bedelay si uu u sii joogo shan sano oo dambe, shantii sano imika markay dhamaadeenna dadkii shacabkii buu soo saaray, wuxuu yidhi ii ooya dariiqa intaad joogsataan, ha tegin, ha tegin dhaha,isagaa soo saaray. Dhalintii reer Jabuuti meel kasta oo ay joogaanba way shaqo la,yihiin, waxna qurbahay ku naanaabeen, waar dadka dhalinyarada ah ee dalka wax u qabanaya waa in loo banneeyo jaaniska, metelan safaaradaha oo dhan waxa joogga odayaal hawlgab ah.”
Cabdicasiis oo jooga London oo isna ka qayb qaatay barnaamijkaa ayaa isna ku doodday sidan; “Anigu ma jecli kelitalisnimadda iyo digtaytarnimadda, Ismaaciil Cumar Geellena sida cad waa nin kelitalis ah, mana ogola xukunka inay cidi la wadaagto, hase yeeshee afrika sideedaba dimoqraadiyadda aynu naqaano ee hanaqaadka ahi weli kama suuragelin dhinac walba oo aad eegto, oo markaa Ismaaciil oo keliya maahee waa wax madaxda afrika oo dhan haysata. Hase yeeshee waxa muhiimka ahi waxa weeye, reer Jabuuti inay kala doortaan degenaansho iyo dimoqraadiyad. Ninkan Ismaaciil Cumar Geelle intii uu joogay wax wayn oo badan buu qabtay, waxaana la odhan karaa Jabuuti waa ceel biyo leh oo ku yaala meel lama degaan ah, marka hareeraheeda la eego, markaa sidaa darteed wadankani imika wuu wanaagsan yahay, dhibaatana waxa og dadka ay ku dul burburtay dawladii soomaaliyeed ee shan iyo labaatan sano meel ay ka soo qabtaan la, markaa sidaa darteed anigu waxaan odhan lahaa dadka reer Jabuuti kala doorta Madaxweynihiina iyo xasiloonni, anigu waxaan odhan lahaa degenaanshihiina doorta, Ismaaciil Cumar Geellena shantaa sano haddii loo doorto hayska sii joogo.”
Kiin Cabdiqaadir oo joogta Minisotta dalka Maraykanka ahna reer Jabuuti ayaa iyana fikirkan ka dhiibatay oo tidhi; “Ra,yigayga aniga siday maskaxdayda ila tahay, Ismaaciil Cumar Geelle ha baneeyo, ha ka wareego baan dhihi lahaa oo mar dambe yaanuu doorasho soo galin. Sababtu waxay tahay looma baahna digtaatooriyad, haddii umadda qaar rabaan, qaar baan rabin, intuu madaxnimada hayayba qaar aan rabin baa iska jirra, nin wanaagsan waa yahay, waxna waa qabtay, laakiin meesha inuu iskaga dhego oo meel isaga u cabiran uu ka dhigo maaha, ha ka wareegaan dhihi lahaa, madaxnimo wuu soo arkay iyo suldano haday micno leedahay, umadda reer Jabuuti booskooda ha u banneeyo, wixii doorasho soo galaya iyo wixii wax qabsanayaba.”