Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Shaqaaleheeda Maaliyadda ku Tabobbaraysa Qaababka Cashuur-ururinta DAAWO
Muqdisho 08,Dec 2015 (SDN/QJ):- Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa bilawday in Shaqaalaha qaybaha Cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda ku tabobbarto qaababka kala duwan ee Cashuuraha waajiba ee Sharciga ah loo qaado. Waxaana ka furmay Caasimadda dalka ee Muqdisho Aqoon-kororsi wax lagu barayo Shaqaalaha Waaxyaha Cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda.
Kulankaas lagu tabobbarayo Shaqaalaha Cashuuraha, waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Farogeeti iyo Masuuliyiin kale. Waxaanannu Warbixinta Warkaas oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-