|

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Dhacdadii Astaanta Xisbiga Waddani Lagula Kacay Iyo Sunnaha Foosha Xun Ee Ka Dhalan Kara DAAWO

Hargaysa 07.Dec 2015 (SDN/QJ):- Xisbiga Taladda Dalka haya ee Kulmiye ayaa Maanta Markii u horaysay Waxa uu ka hadlay Koox dhallinyaro ah oo ku nool Magaalada Gebilay oo Calanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani u Xidhay ey.
Dhallinyaraddan oo Warbaahinta la hadlay ayaa Ku Goodiyey inaan Xisbiga Waddani Wax Xafiis ah aanu ku yeelan karin Magaalada Gebilay Waxaa kale oo ay Cadeeyeen inay Taageersan Yihiin Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Xukuumiga ah ee Kulmiye.
Hadaba Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay Munaasibad loo Sameeyay arday ka qallin jebinaysay Dugsi ku Yaala Magaalada Hargaysa ayaa Sheegay inay Xisbi ahaan Iyo Xukuumad ahaanba ay  ka Xun yihiin Falkaas iyo Cidii samaysay.

Comments are closed