Siyaasi Cabdilaahi Geel Jire oo ku Margaday Xil uu Sheegay inuu Madaxweynaha u hayo,Isla markaana Qoomameeyey Qaar ka mid ah Taxanihii Dube iyo Doolaal DAAWO
Hargaysa 07.Dec 2015 (SDN/QJ):- Siyaasi C.laahi Jaamac Cismaan “Geel Jire” Waxa uu Mudadii Xukuumadda Kulmiye Talada haysay Soo qabtay Xilalka Wasaaradaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga.
Waxa uu ku soo caan baxay Sheeko Siyaasadeed uu ku Jili jiray Dube iyo Doolaal Waxa uu si weyn u naqdiyi jiray Xukuumadii Madaxweyne Rayaale,Mararka qaarkood Wuxuu tumaatiyi jiray hal bawle in la taabto aan mudnayn .
Haatan Xil cad kama hayo dawlada Madaxweyne Siilaanyo,Balse Wuxuu Sheegay inuu si toos ah ula shaqeeyo Madaxweynaha.
C.laahi Geel Jire Wuxuu Xusay in Markii Xilka Wasaaradda Kalluumaysiga laga qaaday inaan lagu darin Siyaasiyiintii la Nasiyey Hasa Yeeshee Wuxuu intaas ku daray in Qoraalka loo keenay lagu sheegay inuu u diyaar garoobo Xil Cusub kaas oo ku sinaan Laba Sanno iyo dheeraad loo Magacaabin.