|

Ganacsade Caan Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Laascaanood.

Laascaanood,7Dec,2015(QJ/SDN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in halkaasi lagu dilay Habeen hore ganacsanade caan ka ahaa Gudaha magaalada laascaanood kaas oo ka mid ahaa Darawallada Gaadiidka iskaga goosha magaalooyinka Hargeysa, Laascaanood illaa Garoowe.

Ganacsadahan la dilay ayaa magaciisa shabakaddda Qurbejoog.Com loogu sheegay Xassan Mahad Cabsiiye.

Laamaaha ammaanka ee gobolka Sool ayaan illaa hadda ka hadlin sababta iyo cidda dishay toona ganacsanadahani, Balse dadka magaalada Laascaanood ayaa rumaysan in dilka ganacsadahan lala xidhiidhiyay koox horay magaalada Garoowe ugu dishay sheekh caan ka ahaa deeganadaasi.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in Ciidamadii booliska ee rabay inay sugaan ammaanka magaalada Laascaanood ay hawshoodii gabeen, iyadoona ay arrintaasi sahashay in laga faa’idaysto gal-daloolooyinka dhinaca ammaanka ah.

Ugu danbeyntii, Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaanay dhawaanahahn ka dhicin dilal qorshaysan oo noocan oo kale ah iyadoona arrintani dadka shicibka ah ku abuurtay dareen hor leh.

 

Comments are closed